4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Ciidamada dowladda ee Danab oo sheegay in sargaal ajnabi ah oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen koonfura Soomaaliya
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga ee waddanka Soomaaliya ayaa waxay howl-gal ballaaran ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay dileen seddex sargaal oo Al-shabaab ah oo uu mid kamid ah yahay Ajnabi .

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay raadiyaha ciidamada qalabka sida ee SNA Radio ayaa waxa uu qeexay in ay howl-gal si wacan loo qorsheeyay ay ku qaadeen deegaanka Carabow , halkaasna ay ku dileen saraakiil uu kamid yahay nin uu magaciisa kusoo koobay (Abu Ayman) oo dhalasha ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Mali ee galbeedka qaaradda Afrika.

Sagaalkaan ka tirsan Danab waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay dib kasoo sheegi doonaan magacyada saraakiisha Al-shabaabka ah ee ku dhintay weerarkaasi.

Marka laga yimaado warkan kasoo baxay ciidamada dowladda, dhinaca kale ma jiraan war hadal ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku diidayaan amma ku xaqiijinayaan weerarkaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka hela kuwa Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore fuliyay weerarro qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab, iyagoo horay sidaan oo kale ugu sheegtay in saraakiil ay ku dileen.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho