4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Kenya oo maxaabiistii ugu badneyd usii daaysay Coronavirus awgiis
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sii daaysay 7000 {toddobo kun} oo maxaabiis ah tan iyo inta uu bilowday xanuunka Coronavirus sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo aminiga qaranka ee waddankaasi Fred Matiang”i.

Wasiirka ayaa u sheegay guddiga aqalka senate-ka u qaabilsan xanuunka COVID-19 in arrintaasi ay ka dembeysay kadib markii loo baqay in maxaabiista ay xanuunka si dhaqsi ah isku qaadsiiyaan , waxa uuna intaa ku daray in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in laba maxbuus oo ku jiray jeel ku yaalla Nairobi oo qaba Corona virus.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa billowday Olole ballaaran oo looga baarayo maxaabiista xabsiyada Kenya xanuunka COVID-19 sida uu baahiyay telefashinka maxalliga ah ee Citizen.

Dalkaas ayaa horay u xaqiijiyay 672 xaalad oo ah xanuunkaasi safmarka ah, waxaana u geeriyooday 32 ruux.

Dowladda ayaa horay xannibaad ugusoo rogtay dhaqdhaqaaqa gelidda iyo ka bixidda Magaalooyinka ugu waaweyn Kenya ee kala ah Caasimadda Nairobi iyo magaalada dalxiiska ee Mombasa.

Nairobi iyo Mombasa waa labada magaalo ee ugu badan oo lagasoo weriyay kiisaska ugu badan oo COVID-19 ah Kenya.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho