4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Wabiga Shabeelle oo fatahaad cusub ka geeystay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne


Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka geeystay qeybo kamid magaalada Beledweyne, kadib markii aay soo goosteen biyihii dhawaanahan lagu celinaayay deegaanka Hilikiliyo oo waqooyiga ka xiga Beledweyne.

Fatahaada ayaa saameeysay qeybo kamid ah xaafada Kooshin, waxaana maanta la'arkayay dad badan ka guuraya xaafadaha aay biyuhu saameeyeen.

Gudiga ka hortaga fatahaada iyo maamulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa sidii aay u xakameeyn lahaayeen biyaha wabiga Shabeelle balse waxaa muuqanaya inaan lagu guuleeysan dadaalkaas.

Fatahaada ayaa imaaneeysa xili shalay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu soo gaaray magaalada Beledweyne islamarkaana digniin uu u diray madaxda gudiga ka hortaga fatahaada oo uu ku eedeeyay wadashaqeeyn la'aan.


Hiiraan Online News Desk