4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Boqolaal muhaajiriin Ethiopian ah oo ku go'doonsan magaalada Bosaso
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) -Boqolaal tahriibayaal ah ayaa ku go’doonsan magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya, ka dib xiritaanka xadka iyo badda ka gudubta, taasoo keentay Faafida COVID-19.

Sannad walba tiro badan oo muhaajiriin ah, oo badidoodu ka soo jeedaan dhinaca dhulka Itoobiya, ayaa soo mara Bosaso iyaga oo doonaya in ay uga gudbaan Gacanka Cadan una sii gudbaan Yemen, oo ay rajaynayaan in ay u sii gudbaan dalalka Khaliijka, taas oo qayb ka ah Sacuudiga.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegay in maalin gudaheed bishii la soo dhaafay, qiyaastii 600 tahriibayaal ah ay gaareen magaalada Boosaaso ee Puntland.

Xogta IOM waxay muujineysaa in haajirida wadada bariga ay wali socoto. Marka la barbar dhigo xogta la soo aruuriyay qeybtii hore ee bishii Abriil ee sanadka 2019, waxaa jiray dad gaaraya 501 qaxooti oo dheeraad ah oo ku sugan Boosaaso, laakiin tegitaanku hoos ayuu u dhacay, iyadoo 8,261 tahriibayaal ka yar ay isku dayeen inay ka gudbaan Gacanka Cadmeed isla taariikhdaas.

In kasta oo dad badani ay weli gaarayaan magaalada Boosaaso, ayaa tiro aad u badan oo muhaajiriin Itoobiyaan ah ay ku xayiran yihiin magaalada.

IOM waxay ku qiyaaseysaa in ku dhawaad 400 tahriibayaal ay hada martigelinayaan xubno ka socda bulshada Itoobiya ee ku nool degsiimooyinka aan rasmiga ahayn ee ku hareereysan magaalada.

Fassil, oo jira 19 waa muhaajiriin ka soo jeeda gobolka Tigray ee Itoobiya, oo hadda ku nool Boosaaso. “Waxaan halkaan joogaa ku dhawaad seddex bilood,” ayuu yidhi. “Coronavirus-ka wax walba way beddeleen. Ma sii wadi karo, dib uma laaban karo sababtoo ah xuduudaha oo dhan waa xiran yihiin. "

Tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19 lagu xaqiijiyey Puntland 19 Abriil.

Muhaajiriinta ku xayiran magaalada Bosaso waxay bilaabeen inay wajahaan dhaleecayn iyo tacaddiyo dheeraad ah sababo khaldan awgood. Waxaa jiray dhowr baraha bulshada oo ku dhalleeceeya soogalootiga inay yihiin sideyaal fayraska ah oo mas'uul ka ah gudbinta deegaanka.

Ilaa hadda ma jiraan muhaajiriin laga helay cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online