4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Sirdoonka Turkiga oo gacan ka geystay haweenay u dhalatay Talyaaniga oo lagu qafaashay Soomaaliya
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) -Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga (MIT) ayaa gacan ka geysatay soo badbaadinta shaqaale samafal Talyaani ah oo la afduubay oo ku sugnaa Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo amni.

Silvia Constanza Romano, oo 25 jir, ayaa laga afduubay magaalada xeebta ku taal koonfur-bari ee Chakama ee Kenya bishii November 2018.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa carabka ku adkeysay in Romano lagu badbaadiyay dadaal wada jir ah oo ay sameeyeen sirdoonka Turkiga, Soomaaliya iyo Talyaani.

Romano, oo la soo badbaadiyay hawlgal la sameeyay May 8-9, ayaa ka soo degay Madaarka Ciampino ee magaalada Rome saqdii dhexe ee xalay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online