4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Madaxweyne Waare "Waxaa nasoo gaaray lacagihii aay yabooheen dowlada federaalka iyo dowlada Jabuuti"
 

Axad, May 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inaay soo gaareen lacagihii dooda dhaliyay ee lix bil kahor aay yabooheen dowlada federaalka iyo dowlada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaay heleen lacag gaareeysa $1,142000 (Hal milyan, boqol afartan iyo laba kun oo doolar)  oo ka soo gaartay dowlada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in lacagtaas $600,000 oo ka timid dalka Jabuuti, $500,000 aay ka timid dowlada federaalka, halka $42,000 ay ka soo gaartay gaartay Gudiga Gargaarka Qaranka. Sida uu Madaxweyne Waare  ku sheegay bogiisa Twitterka.

Lacagahan aay manta bixisay Dowladda Federalka  ayaa lagu yaboohay lix bil ka hor xiligaas oo fatahaad aay saameeysay shacabka magaalada Beledweyne. Dhawaan ayaay ahaayd markii gudiga ka hortaga fatahaada Beledweyne aay shaaciyeen ineeysan helin lacagaha, waxaana markaa kadib biloowday hadal haaynta lacagahaas.

Dowlada federaalka ayaanan weli ka jawaabin lacagtii $1.5 M (hal maylan iyo shan boqool oo kun ) oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday in wax looga qabto fatahaadii bishii Oktoobar 2019 ka dhacday magaalada Beledweyne.
 
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan ay ka wada tashandoonaan isticmaalka dhaqaalahaas dhawaan ka soo gaaray dowladda Federaalka Soomaaliyeed

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa dowlada ku dhaliilay inaay ka gaabisay wax ka qabashada fatahaada Beledweyne.


Hiiraan Online News Desk