4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Askarta dowladda Congo oo laayay maleeshiyada Jabhad dagaal adag kula jirta
  

Axad, May 10, 2020 (HOL) - Ciidamada waddanka Congo ayaa waxay sheegeen in ay dileen 23 kamid ah jabhadda Codesco, islamarkaana ay kala wareegeen laba tuulo oo muhiim ah oo ay jabhaddaasi gacanta ku haaysay , mid kamid ahna uu ahaa saldhigyadooda ugu muhiimsan kaas oo ku yaallay magaalada lagu magacaabo Djugu oo ka tirsan waqooyi bari gobolka Ituri.

Codesco ayaa seddexdii sano ee u dambeysay ka dagaallameysay gobolkaas, iyadoo si weyn ugasoo horjeedda dowladda.

Dagaalladaasi u dhexeeya jabhaddaas iyo ciidamada ammaanka Congo waxaa ku dhintay dad badan, waxaana ku barakacay shan boqol oo kun oo kale.

Billowgii isbuucii tegay hoggaamiyahii jabhaddaas iyo maleeshiyo la socotay ayaa isku dhiibay ciidamada Congo, waxa uuna ugu baaqay inta kale ee kooxdaasi in sidiisa oo kale ay dowladda isku dhiibaan.

Ciidamada waddankaasi ayaa waxay dagaal adag kula jiraan kooxo Jabhado ah, dalkaas oo hodan ku ah macdanta colaado ayaa ka aloosan labaatankii sano ee ugu dembeysay.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho