
newsinsideCodesco ayaa seddexdii sano ee u dambeysay ka dagaallameysay gobolkaas, iyadoo si weyn ugasoo horjeedda dowladda.
Dagaalladaasi u dhexeeya jabhaddaas iyo ciidamada ammaanka Congo waxaa ku dhintay dad badan, waxaana ku barakacay shan boqol oo kun oo kale.
Billowgii isbuucii tegay hoggaamiyahii jabhaddaas iyo maleeshiyo la socotay ayaa isku dhiibay ciidamada Congo, waxa uuna ugu baaqay inta kale ee kooxdaasi in sidiisa oo kale ay dowladda isku dhiibaan.
Ciidamada waddankaasi ayaa waxay dagaal adag kula jiraan kooxo Jabhado ah, dalkaas oo hodan ku ah macdanta colaado ayaa ka aloosan labaatankii sano ee ugu dembeysay.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho