4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Fanaanka Saalax Carab: Waxaa tacadi xun iyo cunsurinimo la iigu geystay Hargeysa
 

Axad, May 10, 2020 (HOL) - Fanaanka Saalax Carab ayaa sheegay in si cunsurinimo leh loogula dhaqmay Somaliland kadib markii muddo labo todobaad ah uu si sharci darro ah ugu xirnaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Fannaankaan oo maanta dib u helay xoroyadiisa, ayaa farriin uu maalin kahor xabsiga kasoo diray ku sheegay in loo xiray kadib markii dhawaaan Xamar ay kasoo heeseen isaga iyo fanaaniin kale oo reer Hargeysa ah, balse isaga kaligiis la beegsaday.

Waxaa uu tlmaamay intii uu xabsiga ku xirnaa in loo diiday inuu daawo qaato maadaama uu sheegay inuu qabo xanuuno uu kamid yahay Dhiikar. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in loo diiday qareen udooda.

 “Anigoo fanaan ah oo wax dambi ah aanan galin, ayaa la igu xiray meel lagu xiro tuugada iyo gacan ku dhiiglayaasha ah. Horey looguma xirin fanaan aniga iga horeeyay. Waxaa la igu cunsuriyeeyay waa qabiilkayga, Waxaan ilaaheey ka baryay inuu cadaalad isiiyo,” ayuu yidhi fanaanku.

Fanaanka ayaa kamid ah fanaaniinta kasoo jeeda dalka Yemen, balse ku heesa afka Soomaaliga. Wuxuu fankiisa kasoo bilaabay dowlad degaanka Soomaaliya Ethiopia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online