4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Caruurtii Hooyadood looga qaatay bishii February Minnesota oo Qoys Soomaali ah lagu wareejiyey



Axad, May 10, 2020 (HOL) - Caruurtii agoonta ahayd ee Hooyadood looga qaatay bishii February magaaladda Grand Forks ee gobolka Minnesota ayaa maanta lagu wareejiyay 5 kamid ah Ahmed Adan Cirday oo adeer u ah Hooyo Nimco Khalif oo ah hooyada dhashay ilmaha , waxase wali gacanta dowlada ku jira hal cunug.

Waxaa wali socda dacwadda Nimco Khalif ayaa ah hooyada dhashay caruurta  qaatay. Inta ay socoto dacwadaan ayaa Haddaba waxaa lagu wareejiyay Axmed Cirday oo aad ugu dadaalay sidii caruurtaan agoonta ah mar hooyadood loogu soo celin lahaa isagoo har & habeen ba heegan u ahaa hawshaan baaxada leh intii ay dacwadu socotay.

Axmed Adan Cirday oo HOL la hadlay ayaa u sheegay in dadaal dheer ay galeen ay tani u tahay guul , waxayna filaynaa inaan ku sii dadaalno in ay qoyskaan iskula midoobaan sidii caadiga ahayd ay u wada noolayeen, Axmed waxuu yiri waa in lagu samraa amarka alle waxii dhacay waxay ahayd wax aan la malaysan karin Nimco waa hooyo wanaagsan jecel ilmaha lakiin waxa dhacay waa inaan ku samirnaa allena uga mahadnaqnaa waxii na soo maray & halkaan hada joogno.

Waxaan ku dadaalaynaa inaan nidaamka dalkaan anagoo ilaalinayna inaan wadada saxda ah ee sharciga ah raacnaa ,waxuu u mahadnaqay qareenka qoyska iyo dadkii Soomaaliyeed ee xanuunka la qaybsatay mudadii ay ku jireen xaalada Caruurtaan.




Dadka Minnesota ee Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay in ilmahaan agoonta ah ay maanta joogaan guri lagu kalsoon yahay ehelkood ah, waxay dhamaantood duco hawada u mariyeen qoyskaan markii warkaan farxada leh baraha bulshada la soo dhigay.

Waa bil Ramadaan oo barkaysan oo ilaah guusha hooyo nimco Khalif uu kulan siiyey waxaan ilaah uga baryeeynaa in inta ka dhiman hawshana uu ilaah noo fududeeyo, walina waxaa loo baahan yahay kaalmo si hawshaan loo dhamaystiro, ducadana nagu soo kaalmeeya ayuu ugu danbeen igu yiri Axmed Cirday oo HOL khadka Teleefonka ugu waramay.

Siyad Said Salah
[email protected]
Hiiraan Online
Minneapolis MN