4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Khayre oo Wasaaradda Maaliyadda amray in ay bixiso qarashka ku baxaya kahortagga fatahaadda Baladweyne



Axad, May 10, 2020 (HOL) - Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa warbixin ka dhageeystay gudi hoosaad loo xil saaray ka hortagga fatahaadda Beledweyne, waxaana ay soo bandhigeen sida ugu fudud ee xal loogu heli karo ka hortagga fatahaadda. Sida lagu sheegay war-saxafadeed kasoo baxay xafiiska Raisulwasaaraha.

Guddiga ayaa sheegay inay sameeyeen carro-tuur lagu adkeeynayo meelaha uu ka jilcanyahay wabiga Shabeelle iyo sidoo kale inaay fureen kanaalo yaryar oo ka qeyb-qaadanaya sidii biyaha looga yareeyn lahaa wabiga Shabeelle. Gudiga ayaa sidoo kale sheegay inaay ku howlanyihiin daabulista agab looga hortagayo fatahaada Beledweyne.


RW Kheyre ayaa wasaaradda Maaliyadda ku amray inay bixiso lacagaha Ku baxayo ka hortagga fatahaadda Beledweyne, si loo dardargaliyo howlaha socda.

Ugu dambeeyn Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay qeeybaha bulshada inaay awoododa isugu geeyaan ka hortaga fatahaada Beledweyne oo aay sheegeen in si wadajir ah aay u wadaan dowlada iyo shacabka.

Hadalka raysul wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay isa soo tarayeen eedeeyn loo jeedinayay dowladda federaalka oo ku saabsanayn in ay ka gaabisay wax ka qabashada fataahadda Baladweyne oo sanado badan soo noqnoqotay.


Hiiraan Online News Desk