4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Guddiga ka hortaga fatahaada Beledweyne oo ku guuleeystay inaay furaan kanaalka Gambarlaawe


Axad, May 10, 2020 (HOL) - Guddiga ka hortaga fatahaada Beledweyne oo maalmahan ku howlanaa sidii aay u xakameeyn lahaayeen biyaha wabiga Shabeelle ayaa ku guuleeystay inaay furaan kanaalka Gambarlawe oo muhiim u ah in lagu yareeyo biyaha wabiga.

Guddiga oo kaashanaya Injineero kasocda dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inaay fureen kanaalka oo isku xira Gambarlawe iyo Burdhiile ee koofurta Beledweyne, waxaana gudigu sheegay in kanaalkan lagu yareeynayo culeeyska biyaha saaran magaalada.

Gudoomiyaha gudiga ka hortaga fatahaada Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in uu muhiim ahaa furitaanka kanaalka islamarkaana aay rajo wanaagsan ka qabaan in sanadkan aysan biyuhu saameeyn ku yeelan shacabka Beledweyne.

Duqa magaalada Beledweyne Safiya Xasan Cali ayaa u mahadcelisay Injineerada iyo gudiga kale ee kasocda xafiiska Raisul Wasaaraha, waxaa aay sheegtay in kaalin aay ka qaateen shaqada furitaanka kanaalka.

Kanaalka isku xira Gambarlaawe iyo Burdhiile oo ah 5km waxaa uu culeeyska ka yareeyn doonaa wabiga Shabeelle oo wada biyo aad u badan, waxaana injineeradu aaminsanyihiin inaay shaqadan aay tahay tan kaliya ee lagu xakameeyn karo biyaha wabiga islamarkaana fatahaada looga celin karo magaalada Beledweyne.

Hiiraan Online News Desk