4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Dowladda Talyaaniga oo soo dhoweysay siidaynta haweenay samafal ah oo Soomaaliya lagu afduubtay
 

Axad, May 10, 2020 (HOL) - Haweeney Talyaani ah oo laga afduubtay Kenya xilli ay tabaruce ahaan u shaqeyneysay ayaa muddo 18 bilood ah kadib lagu guulaystay in lagasoo sii daayo Soomaaliya .

Madaxweynaha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa amaaney sii deynta Silvia Romano, oo 23 sano jir, oo iskaa wax u qabso kula shaqeysay koox ka shaqeysa bini’aadanimada oo fadhigeedu yahay Talyaaniga.

Conte ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waad ku mahadsan tihiin ragga iyo haweenka sirdoonka shisheeye,” ayuu yidhi Conte.

Madaxa guddiga baarlamaanka ee baarlamaanka Talyaaniga, Raffaele Volpi, ayaa sheegtay in Romano ay soo muuqatay xaalad wanaagsan kadib markii la soo badbaadiyay qiyaastii meel 30 kiiloomitir u jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka ka imaanaya dalka talyaaniga ayaa sheegaya in afduubkeeda kadib, Romano ay gacanta ku dhigtay xagjiriin lala xiriirinayo kooxda al-Shabab ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga Luigi Di Maio, oo sidoo kale ku dhawaaqay xoreynta Romano on Twitter, ayaa yiri, "Dowladda waligeed qof kama tagayso."

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online