4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Dil ay ciidamada Boolisku ka geysteen magaalada Baligubadle



Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Qaar la mid ah ciidanka Booliska ayaa toogasho ku diley laba nin iyagoo saaraa gaadhi tuulada Bidhiiqa oo ku taala duleedka Baligubadle, habeenimadii xalay.

Gaadhigan oo ka baxay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku sii jeedey magaalada Baligubadle intaanay helin ciidamadan oo ay ka soo baxayaan warar is qilaafsan wallow loo badinayo inay daba taagnaayeen gaadhi qaad ka soo talaabinayey xadka.

Hoodo Axmed oo degaankaasi ka soo jeeda ayaa HOL u xaqiijisay in labada nin ee dhintay mid markiiba uu dhintay halka ka kalena saacado ka dib uu dhaawicii u geeriyoodey.

"Nimankani waxay u badnaayeen reer Baligubadle, magaaladoodii ayay ku socdeen waxaase cad in hedoodu intaas ku ekayd, hadana waa xidhan yihiin sida ay madaxda Boolisku sheegayaan iyadoo la baadhayo sababta ku kaliftey in ay falkaasi ku kacaan" sidaana waxaa tidhi Hoodo waxaanay raacisay in laga warsugayo jawaabta ciidanka.

Tan iyo inti la joojiyey qaadka waxaa bilaabmay olole ay ciidamada kala duwan ku ugaadhsanayaan qaadleyda sharci darada ku socda, waxaana dib u soo laabtay dhaqan sideetamaadkii wixii direys wataaba ugaadhsan jireen qaadka iyo qaadleyda kaas loogu yeedhi jirey dhul-jiif.

Seynab Cabdi warsame
[email protected]