4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Dowladda federalka Soomaaliya oo wafdi u dirtay magaalada Qardho
 

Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa wafdi usoo dirtay magaalada Qardho oo katirsan dowlad goboleedka Puntland, halkaas oo uu ka socda gurmadkii dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaaladaas, kuwaas oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Wafdigaan ayaa u tagaya magaalada Qardho si ay Puntland iyo eheladii dhibaatadu gaartay ula qeyb sadaan culayska musiibada rabaaniga ah ee ka dhalatay Raxmada Roobka.

Wafdigaan waxay kala yihiin, Wasiirka Qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kaluumayiga Abdullahi Bidhaan, Wasiiru Dawlaha maaliyadda Maxaamuud Xayir, Wasiiru Dawlaha Gargaarka. Abdirashiid Maxamuud Xasan, Xildhibaan Omar Waaberi iyo Xildhibaan Maxamuud Maas.

Xldhibaan Cumar Waaberi oo katirsan wafdigaan ayaa yidhi,” Iminka Ayaan u anbabaxnay Magaalada Qardho saan dhibta ula qaybsano ehelka iyo Qarabada waxaan ka koobanahay 2 diyaaradood sidoo kale waxaa jiray gargaar loo diray Baar dheere ilaahay intii dhibtu gaartay haw cawad celiyo.”

Dowladda federalka ayaa maalmo ka hor Puntland u dirtay lacag hal milyan ah oo loogu talo galay gurmadka dadka dhibaatada kasoo gaartay daadadka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online