4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Qarax uu khasaare kasoo gaaray askar katirsan militiriga Masar oo ka dhacay gobolka Siinaa



Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Kolanyo ka tirsan ciidamada difaaca waddanka masar ayaa weerar qarax ah lagula eegtay deegaanka lagu magacaabo Bi'rul-cabdi oo ka tirsan gobolka Siinaa.  Wararku waxey intaas ku darayaan inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartaas la weeraray.

Bar dhinaca Facebook-ga ah oo ay leeyihiin xooggaga qalabka sida ee Masar ayaa lagu daabacay xogta weerarka kolonyadaasi militiriga ah ay la kulantay, iyadoo lagu tilmaamay kooxahii ka dambeeyay weerarkaasi iney ahaayeen fulayo iyo kuwa dhagar keliya maleega.

Inta la la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxaasi hal askari,  toban kalena wey ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale Madaxweyne Abdelfatah Alsisi ayaa qoraal uu uga tacsiyeeynayo ciidamada weerarkaasi soo dhigay boggiisa Twitter-ka, waxa uuna ku sheegay in dagaalka kooxaha argagaxisada ay sii wadi doonaan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, laakiin gobolka Siinaa waxaa ku badan kooxo hubeysan oo Islaamiyiin oo ka aragti ah dowladda Masar.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho