6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2020
Wasiirka waxbarashada XFS iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baraawe ka dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda




Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa si wada jir ah magaalada Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda.

Dhagax dhiga iskuulkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Cabdulahi Xaamud Maxamed, danjiraha Soomaaliya u fadhiya midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay cid kasta oo gacan ka geysaneysa dhismaha iskuulkan iyo cidka bixisay dhulka laga dhisayo iskuulka.

“ Waxaan u mahad celinaya qoyska reer Xamse oo  dhulkan ku deeqday waxana maanta  nagala  jooga wasiir Xamse, aniga shaqsiyan farxad ayay I tahay in maanta oo u jooga in riyadii wasiir Burci anigoo wasiir waxbarasho aheyn uu igala hadli jiray, sidoo kale waxaan u mahad celinaya madaxweyne Laftagareen, oo door muuqda ka qaatay horumarinta waxbarashada, mudadii uu koonfur Galbeed hadda uu joogay waxaa la hirgeliyay ilaa 7 iskuul, iskuulkan wuxuu qeyb ka yahay saddex iskuul oo lagu baranayo farsamada, kan waxaa lagu baran doonaan badda, mid lagu barto farsamada gacanta Jowhar ayaa laga dhagax dhigi doonaa, kan saddexaadna waxaa laga hirgelin doonaan Guriceel, waxana lagu baran doonaa cilmiga xoolaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ahmiyadda koowaad ay siinayaan horumarinta waxbarashada.

“ Mudane wasiir waan kaga mahad celineyna sida aad uga war qabto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed baahiyaha dhanka waxbarashada ee ka jira, anaga ka dowlad goboleed ahmiyadda koowaad waxaa noo ah waxbarashada si jahliga looga saaro dadka, waxana u mahad celinaya qoyska reer Xamse, allaha unaxariiste wasiir Burci oo dadaal badan ku bixin jiray horumarinta bulshada Soomaaliyeed,  kuwa heysa dhulka waxbarashada waxaan leenahay baneeya”ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii dalka looga hirgelin lahaa iskuullo waxbarasho oo dhalinyarada Soomaaliyeed lagu baro xirfado ay ku shaqeystan, si nolosha reerkooda ay u kaafiyaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/9/2020 11:11 AM EST
Isniin, March, 09,2020(HOL)–Xukuumadda Somaliland iyo midowga Yurub ayaa heshiish kala saxeexday mashruuca dhawridda asaarta taariikhiga ah ee Laasgeed oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa.

3/9/2020 10:51 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL) –Guddida doorashooyinka Somalilland ayaa maanta kulan la yeeshay laba safiir oo ka kala socda safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander oo matalayey beesha caalamka.

3/9/2020 8:24 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambasaddor James Swan, ayaa maanta Garowe kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo golihiisa wasiiradda, wuxuuna kala xaajooday arrimo quseeya Puntland iyo tan dowladda federalka Soomaaliya.

3/9/2020 5:22 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Nin 100 sano jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa si buuxda uga soo kabtay cudurka loo yaqaan coronavirus.

3/9/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay caasimada Khartuum, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

3/9/2020 1:54 AM EST
Guddoomiyaha Xisbiga MidQaran Dr. Abdinur Mohamed ayaa soo gaaray magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaan soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay qurba-joogta gobolka oo xiiseynayay inay wax ka ogaadaan Xisbigiisa Midqaran