6/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2020
Raysal Wasaaraha Suudaan oo ka badbaaday iskuday dil


 

Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay caasimada Khartuum, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

Hamdok ayaa loo raray goob aamin ah kadib qarax maanta oo isniin ah lala beegsaday kolonyadiisa. Xubnaha xafiiska Hamdok ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera in ra'iisul wasaaruhu joogo meel aamin ah.

"Kolonyada ra'iisul wasaaraha waxaa la weerarey xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa," ayuu yiri Hiba Morgan ee Al Jazeera, oo ka soo warama Khartoum.

Ma jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/9/2020 4:58 PM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa si wada jir ah magaalada Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda.

3/9/2020 11:11 AM EST
Isniin, March, 09,2020(HOL)–Xukuumadda Somaliland iyo midowga Yurub ayaa heshiish kala saxeexday mashruuca dhawridda asaarta taariikhiga ah ee Laasgeed oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa.

3/9/2020 10:51 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL) –Guddida doorashooyinka Somalilland ayaa maanta kulan la yeeshay laba safiir oo ka kala socda safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander oo matalayey beesha caalamka.

3/9/2020 8:24 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambasaddor James Swan, ayaa maanta Garowe kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo golihiisa wasiiradda, wuxuuna kala xaajooday arrimo quseeya Puntland iyo tan dowladda federalka Soomaaliya.

3/9/2020 5:22 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Nin 100 sano jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa si buuxda uga soo kabtay cudurka loo yaqaan coronavirus.

3/9/2020 1:54 AM EST
Guddoomiyaha Xisbiga MidQaran Dr. Abdinur Mohamed ayaa soo gaaray magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaan soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay qurba-joogta gobolka oo xiiseynayay inay wax ka ogaadaan Xisbigiisa Midqaran