6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo shirkadda Favori ku wareejisay hotel casri ah oo laga dhisay garoonka Aadan Cadde




Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 25 sano ah u oggolaatay  shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga in ay maamusho  hotel casri ah oo ay maalgalisay oo laga dhex dhisay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Hotelkan ayaa lagu magacaabaa DECALE international hotel, waxaana dhismihii ku baxday malaayiin dollar.

Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga qaranka, Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiirka ganacsiga  Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa Turkiga uga mahad celiyay dhismaha hotelkan, waxayna sheegeen in uu qeyb ka yahay horumarka dalxiiska waddanka iyo in shirkaddaha shisheeye ku dhiirradaan maalgashiga.

Waxaa goobta ku sugnaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya, isagoo sheegay dowladdiisu inay mar waliba dhiirri galinayso dib u dhiska Soomaaliya, hotelkaanna uu tusaale wanaagsan u yahay sida ay shirkaddaha Turkiga ugu foogan yihiin inay Soomaaliya maalgashi caalami ah ku sameystaan.

Wasiirka duulista iyo gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa sheegay heshiiska lagu dhisay hotelka inuu yahay mid dowladda Soomaaliya u oggolaanaya in 25 sano kadib uu gacanteeda kusoo laabto.

"Waxaan haysanay saddex iqtiyaar. Labo kamid ah dowladda ayaa mar kasta khasaare ku qabi lahayd. Sidaas daraadeed waxaan qaaddanay heshiiskaan oo ah, in ay shirkaddu iyadu dhisto, oo kadibna ay muddo 25 sanno ah ku shaqeysato kadibna uu gacanteena kusoo noqdo," ayuu yidhi wasiirku.
Wasiir Oomaar wuxuu sheegay laga bilaabo hotelka maalinta la furo illaa dhammaadka heshiiska in dowladda Soomaaliya ay ku yeelandoonto lacago, shaqaaleynta iyo canshuuraadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/8/2020 4:42 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

3/8/2020 12:45 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

3/8/2020 9:32 AM EST
Axad, Maarso,08,2020(HOL)–Dadweynaha reer Somaliland ayaa 24 saacadood ee u dambeeyey si weyn u hadal hayey wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland, taas oo keentay la buriyo xeer kooto ugu xidhayey shirkadda SOMCABLE inay keento xadhiga Internetka ee badda hoos mara taas oo la siiyey muddo ku siman sodan sanno.

3/8/2020 8:08 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Sheikh Maxamed Shaakir ayaa muddo dhowr cishe kadib ah maanta soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujinayo inuu weli yahay madaxweynaha Galmudug, xilli dhawaan looga itaal roonaaday Galmudug, awood ahaan iyo siyaasad ahaanba

3/8/2020 7:30 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku amray hay’addaha garsoorka Puntland in ay cadaalad dhameystiran marsiiyaan kiisaska kufsiyada ee horyaala maxkamadaha.

3/8/2020 3:00 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

3/8/2020 1:23 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xalay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.