6/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 8 , 2020
Sheikh Maxamed Shaakir oo dagaaladii ka dhacay Dhuuso mareeb ku tilmaamay xasuuq


 

Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Sheikh Maxamed Shaakir ayaa muddo dhowr cishe kadib ah maanta soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujinayo inuu weli yahay madaxweynaha Galmudug, xilli dhawaan looga itaal roonaaday Galmudug, awood ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Warsaxaafadeedkiisu wuxuu ku eedeeyay raysal wasaaraha Soomaaliya inuu ka dambeeyay dagaaladii ka dhacay Dhuuso mareeb, isagoo ku tilmaamay xasuuq.

Wadaadka ayaa xilliga uu warkaan soo saarayay ku sugnaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo kadibna u safray dalka Kenya, isaga iyo hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax.

Halkaan hoose ka akhriso.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/8/2020 4:42 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

3/8/2020 12:45 PM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

3/8/2020 11:20 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 25 sano ah u oggolaatay shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga in ay maamusho hotel casri ah oo ay maalgalisay oo laga dhex dhisay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

3/8/2020 9:32 AM EST
Axad, Maarso,08,2020(HOL)–Dadweynaha reer Somaliland ayaa 24 saacadood ee u dambeeyey si weyn u hadal hayey wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland, taas oo keentay la buriyo xeer kooto ugu xidhayey shirkadda SOMCABLE inay keento xadhiga Internetka ee badda hoos mara taas oo la siiyey muddo ku siman sodan sanno.

3/8/2020 7:30 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku amray hay’addaha garsoorka Puntland in ay cadaalad dhameystiran marsiiyaan kiisaska kufsiyada ee horyaala maxkamadaha.

3/8/2020 3:00 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)- Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

3/8/2020 1:23 AM EST
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xalay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.