Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Dhexe
Axad, Maarso, 08, 2020 (HOL)-Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xalay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad, waxaana halkaas fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin weerar kusoo qaaday Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidmada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen, isla markaana ay war hayeen weerarkaas waa sida hadalka loo dhigay.
Sidoo
kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in weerarkan
uu ahaa mid lagu qaaday kolonyo ciidamada AMISOM ah waxyeelana loo
geystey.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo dagaalo toos ah ku qaaday saldhiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan
Hirshabeelle gaar ahaan inta u dhexeeysa degmada Balcad iyo magaalada Jowhar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]