6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2020
Coranavirus: Puntland oo hakisay doomaha kallummaysi ee ka yimaada dalalka shisheeye



Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo yeeshay kulan uu shir-guddoomiyey madaxweyne Deni ayaa wax iska weydiiyay arrimo ay ugu muhiimsanaayeen caabuqa Coronavirus ee adduunka faraha kulul ku haya.

Waxay goluhu isku raaceen in muddo bil ah la joojiyo kalluumaysiga doomaha dibedda ka yimaada, sababo la xidhiidha ka hortagga cudurka Coranavirus.

Go’aanka Puntland ayaa kusoo beegamaya kadib markii caabuqaan uu ka dillaacay dalka iskutagga imaataatka Carabta oo xidhiidh ganacsi oo dhow laleh Puntland.

Dekeda Bosaso waxaa maalin walba kusoo xirta maraakiib iyo doonyo shixnado ganacsi kasoo rara dekedaha imaaraatka.

Inkastoo Puntland aanay xusin in go’aankeeda uu saameynayo isku socodka ganacsi ee labada dhinac.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/7/2020 10:16 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xirey seddex xubnood oo qoyska boqortooyada ah, oo uu ku jiro boqorka walaalkii iyo dhaxal-sugihii hore, kadib isku day afgambi oo la sheegay inuu socday.

3/7/2020 9:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL) - Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo Sheegay in Aanay Dhimanin Himiladii Shanta Soomaaliyeed “Shantii Soomaaliyeed Inagamay Dhimanin, Waxaan Filaynaa in Shantii oo Xor ahi ay Isa Soo Doontaan.”. Xildhibbaan Cabdiqaadir jirde

3/7/2020 9:06 AM EST
Sabti, Maarso, 07,2020 (HOL)–Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aan meesha looga saarayo qodobkii kootadda loogu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga Fiber Optic ee badda hoos mara oo sanadkii 2011-kii shirkadaasi kooto loogu xidhay.

3/7/2020 5:19 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.

3/7/2020 4:31 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe hal sano kadib markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland.

3/7/2020 3:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Ka Hortagga (MoHAP) ayaa soo warisay 15 xaaladood oo cusub oo ah coronavirus, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee la xaqiijiyay 45 kiis oo Coronavirusa.

3/7/2020 1:07 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.