Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xirey seddex xubnood oo qoyska boqortooyada ah, oo uu ku jiro boqorka walaalkii iyo dhaxal-sugihii hore, kadib isku day afgambi oo la sheegay inuu socday.
Amiir Ahmed bin Abdulaziz al Saud, oo ay walaalo yihiin Boqor Salmaan, iyo dhaxal sugihii hore Mohammed bin Nayef bin Abdulaziz al Saud, oo ah wiilka uu adeerka u yahay boqorka ayaa lagu eedeeyay khiyaano qaran, sida lagu sheegay warbixinta.
Ilaalada boqortooyada oo xirtay maaskaro ayaa weerartay guryaha xubnaha sare ee qoyska boqortooyada Jimcihii shalay. waxayna xabsiga dhigeen dadkii lagu tuhmay afgambiga.
Bishii Nofeembar 2017, mas'uuliyiinta Sucuudiga waxay xireen daraasiin ganacsato ah iyo amiirro eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Wixii markaas ka dambeeyay, Bin Salmaan, oo wajihi kara dhaleeceyn culus ee ku aadan kaalintii uu ku lahaa dilkii saxafiga Khashoggi, wuxuu sii adkeeyay qabashadiisa awoodda.