6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2020
Golaha Wakiiladda Somaliland oo laallay kootaddii Shirkadda SOMCABLE loogu xidhay keenista Internetka Fiber Optic


 

Sabti, Maarso, 07,2020  (HOL)–Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aan meesha looga saarayo qodobkii kootadda loogu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga Fiber Optic ee badda hoos mara oo sanadkii 2011-kii shirkadaasi kooto loogu xidhay.

In Wax ka bedel lagu sameeyo xeerka boostada iyo Isgaadhsiinta waxa soo gudbiyey 75 xildhibaan, kuwaas oo sheegay in cid gaar ah in kooto loogu xidhaa ka hor imanayso dastuurka,isla markaana loo baahan yahay Internet ka jaban ka hada la isticmaalo si loogu tartamo suuqa waa in aan cidna kooto loogu xidhay keenista Enternet jaban oo ka xawaale badan ka hadda la isticmaallo.

68 Xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka beddelka xeerkaasi, halka Xildhibaan diiday, midna ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Shirkadaha waaweyn ee dalka sida Shirkadda Somcable iyo Telesom ayaa muddo dheer diidanayeen in shirkad gaar ah kooto loogu xidho keenista Internetka badda hoos mara, haseyeeshee waxay maanta soo dhoweeyeen go’aankaasi golaha Wakiilada oo iyagu ay dabada ka raaciyeen in xeerkaasi kootadda wax laga bedelo.

Golahan wakiiladda Somaliland ayaa sanadkii 2011-kii cod aqbaliyad ah kooto ugu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista Kaybalka Internetka ee badda hoos mara, waxaana arrintaasi u fududeeyey xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, mulkiilaha shirkada SOMCABLE ee Internetka Maxamed Aw Siciid oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweyne Biixi ayaa talaabadani ku keenaysa inay kala fogaadaan,maadaama oo uu ahaa ninkii lacagta ugu badan ku bixiyey doorashadiisii.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 










Click here
3/7/2020 2:57 PM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo yeeshay kulan uu shir-guddoomiyey madaxweyne Deni ayaa wax iska weydiiyay arrimo ay ugu muhiimsanaayeen caabuqa Coronavirus ee adduunka faraha kulul ku haya.

3/7/2020 10:16 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xirey seddex xubnood oo qoyska boqortooyada ah, oo uu ku jiro boqorka walaalkii iyo dhaxal-sugihii hore, kadib isku day afgambi oo la sheegay inuu socday.

3/7/2020 9:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL) - Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo Sheegay in Aanay Dhimanin Himiladii Shanta Soomaaliyeed “Shantii Soomaaliyeed Inagamay Dhimanin, Waxaan Filaynaa in Shantii oo Xor ahi ay Isa Soo Doontaan.”. Xildhibbaan Cabdiqaadir jirde

3/7/2020 5:19 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.

3/7/2020 4:31 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe hal sano kadib markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland.

3/7/2020 3:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Ka Hortagga (MoHAP) ayaa soo warisay 15 xaaladood oo cusub oo ah coronavirus, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee la xaqiijiyay 45 kiis oo Coronavirusa.

3/7/2020 1:07 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.