6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2020
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo maanta tagay Garowe sanad kadib doorashadii hore




Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe hal sano kadib markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Abdirashiid Yuusuf Jibril ayaa garoonka diyaaradaha Garowe kusoo dhoweeyay Cabdiweli Gaas isagoo sheegay in lagu casuumay shirka wadatashiga Puntland ee madaxweyne Deni uu iclaamiyay 15-ka bishaan March.

Madaxweyneihii hore Puntland mr Gaas, ayaa sheegay inuu si dhow ula socday isbedelada Puntland islamarkaana uu muddo joogayo Puntland kana qeyb galayo shirka madaxweynuhu ka casuumay ee looga tashanayo masiirka Puntland ee Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka isku hayaan dowladda federalka Soomaaliya gaar ahaan xilligii uu ahaa madaxweynaha Puntland, waxaana uu Puntland yimid iyadoo mar kale uu khilaafsan xoogan ka dhextaagan yahay Puntland iyo DFS.

Xildhibaano ka socda aqalka sare iyo aqalka hoose ayaa haatan ku sugan Garowe, kuwaas oo ayiday baaqii madaxweynaha Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/7/2020 2:57 PM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo yeeshay kulan uu shir-guddoomiyey madaxweyne Deni ayaa wax iska weydiiyay arrimo ay ugu muhiimsanaayeen caabuqa Coronavirus ee adduunka faraha kulul ku haya.

3/7/2020 10:16 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xirey seddex xubnood oo qoyska boqortooyada ah, oo uu ku jiro boqorka walaalkii iyo dhaxal-sugihii hore, kadib isku day afgambi oo la sheegay inuu socday.

3/7/2020 9:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL) - Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo Sheegay in Aanay Dhimanin Himiladii Shanta Soomaaliyeed “Shantii Soomaaliyeed Inagamay Dhimanin, Waxaan Filaynaa in Shantii oo Xor ahi ay Isa Soo Doontaan.”. Xildhibbaan Cabdiqaadir jirde

3/7/2020 9:06 AM EST
Sabti, Maarso, 07,2020 (HOL)–Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aan meesha looga saarayo qodobkii kootadda loogu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga Fiber Optic ee badda hoos mara oo sanadkii 2011-kii shirkadaasi kooto loogu xidhay.

3/7/2020 5:19 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.

3/7/2020 3:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Ka Hortagga (MoHAP) ayaa soo warisay 15 xaaladood oo cusub oo ah coronavirus, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee la xaqiijiyay 45 kiis oo Coronavirusa.

3/7/2020 1:07 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.