6/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 7 , 2020
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay


 

Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Gaar ahaan weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Kuunyo Barroow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose kana mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa horay u sheegay ama ugu hanjabay in ay beegsan doonaan Dowladda Soomaaliya, saaxiibada Geeska Afrika, Dowladda Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee Adduunka oo idil.

Mareykanka ayaa sheegay hubin ay sameeyeen  in aysan  jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymahan xagga  Cirka ah ee laqaaday.

Laakiin dhinaca kale Qoraalkan laguma shaacin magaca horjoogaha ama sarkaalka ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ee la sheegay in weerarka lagu dilay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  

 

 

 










Click here
3/7/2020 2:57 PM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Golaha wasiiradda ee dowlad goboleedka Puntland oo caawo yeeshay kulan uu shir-guddoomiyey madaxweyne Deni ayaa wax iska weydiiyay arrimo ay ugu muhiimsanaayeen caabuqa Coronavirus ee adduunka faraha kulul ku haya.

3/7/2020 10:16 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xirey seddex xubnood oo qoyska boqortooyada ah, oo uu ku jiro boqorka walaalkii iyo dhaxal-sugihii hore, kadib isku day afgambi oo la sheegay inuu socday.

3/7/2020 9:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL) - Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo Sheegay in Aanay Dhimanin Himiladii Shanta Soomaaliyeed “Shantii Soomaaliyeed Inagamay Dhimanin, Waxaan Filaynaa in Shantii oo Xor ahi ay Isa Soo Doontaan.”. Xildhibbaan Cabdiqaadir jirde

3/7/2020 9:06 AM EST
Sabti, Maarso, 07,2020 (HOL)–Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aan meesha looga saarayo qodobkii kootadda loogu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga Fiber Optic ee badda hoos mara oo sanadkii 2011-kii shirkadaasi kooto loogu xidhay.

3/7/2020 5:19 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.

3/7/2020 4:31 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe hal sano kadib markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland.

3/7/2020 3:13 AM EST
Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Ka Hortagga (MoHAP) ayaa soo warisay 15 xaaladood oo cusub oo ah coronavirus, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee la xaqiijiyay 45 kiis oo Coronavirusa.