Jimco, Maarso, 06, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ka qeyb galayay xafladda abaalmarinta sannadlaha ah ee ganacsiga Soomaaliya, ayaa si mugleh u ammaanay doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qaateen samata-bixinta dalka xilli uu dhibaato dowlad la’aaneed dhexda uga jiray.
“Aragtida aan ganacsatada ka qabo waxa ay tahay inay dalka ay usoo shaqeeyeen, samata bixiyeenna xilli dalka ay dhibaata ka jirtay iyaga oo u dul qaatay dhibaatada jirtay. Dhaqanka ganacsatada Soomaaliyeed waxuu waligiis ku saleynaa aaminaad, waxuuna ka madax bannaanaa musuq maasuq, waana dhaqan aan dunida inteeda ka jriin oo dadka Soomaaliyeed ay ku amaananyihiin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Raysal wasaare Kheyre wuxuu sheegay in waqtigaan la joogo ganacsatadu aanay ka maarmin inay helaan dowlad xoog leh oo ay aamini karaan islamarkaana ay meesha ka baxday waqtigii ganacsatadu ay dowladda ka baqi jireen.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdu lafteedu ogsoontahay awoodda ganacsigu leeyahay, sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay in ganacsatada loo fududeeyo ganacsigooda, lagana qaado caqabadaha hor yaalla si ay iyagana canshuurta u bixiyaan, canshuurtaasna loogu adeego ummadda Soomaaliyeed.
Intii ay xafladdu socotay waxaa la abaal mariyay ganacsato Soomaaliyeed oo maamula shirkaddo ku dhiirraday inay dhaqaalahooda dalka ku aaminaan xilli uu dalku aad u burbursanaa oo ay adkayd in la is’aamino ama la maalgashado.