Kulankii AVIATION AFRICA2020 oo loogo hadlay dhibaatada sharikadaha dayaaradaha ee AFRIKA
Jimco, Maarso, 06, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyey kulan sannadle ah oo loogu magac daro AVIATION AFRICA 2020 badnaabana logu falanqeeyo horumarinta sharikadaha dayuuradaha ee qaaradda Afrika. Kulan oo la qabtay bishan March 4tii – ilaa 5tii ayaa waxaa looga dooday qadobo ay ka mid yihii sidii hoos loogu dhigi lahaa canshuurta la saaro sharikadaha dayaaradaha oo aad qaali u ah.
Maareeyaha sharikadda Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam oo kulankaas furay ayaa wuxuu halkaas ka sheegay sida loogu baahan yahay in madaxda dalalka Africa kaalmeeyaan sharikadaha dayuuradaha ayaga hoos u dhigaya cashuurta ay saaraan sharikadahaas. “Canshuurta Sharikadaha dayuuradaha la saaro ayaa ka badan kuwa la saaro sigaarka, taasna waxay keeneysaa in candhuurtaas loo soo gudbiyo macaamiisha waana sababta ay tikidhada qaaradda Afrika qaali u yihiin” ayuu yiri mudane Gebremariam
Shidaalka dayuuraha oo qaali ah marka la bar-bar dhigo adduunyada intiisa kale ayaa sidoo kale sabab u ah dhibaatooyin haysta sharikadaha dayaarahad ee qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxaa halkaas looga dooday sababaha keena in sharikado badan khadka ka baxaan sababo u badan maamul xumo iyo ku takri fal hantida sharikadda.
Cudurka Coronavirus oo kala xirxiray isu-socodkii dayaaradaha adduunka gaar ahaan qaaradda ASIA ayaa sababay in dhaqaale xoogan uu uga dhumayo sharikadaha dayuuradaha ee qaaradda Afrika. Hay'adda IATA ayaa ku qayaastay in dhaqaale gaaraya $113 Billion kaga lumidoonto guud ahaan sharikadaha ka ganacsado duulimaadka
Kulan oo aad muhiim ugu ah dalka Soomaaliya oo la tacaalay sidii ay dib ugu soo nooley lahaayeen sharikaddii Somali Airline, ayaa waxaa kulanka uga qayb-galay Mareeyey ku-xeenka Sharikadda Somali Airline Caydaruus Kaahiye iyo la taliyahay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista kala taliya sidii loo soo celin lahaa sharikadda Somali Airline Axmed Climi Guure
Wasiiradda Gaadiidka ee dalka Itoobiya madam Dagmawit Moges ayaa sheegtay muhimadda ay u leedahay in ay xiriir gaar ah sameystaan Sharikadaha dayuuraha qaaradda Afrika si ay uga faa’ideystaan shacabka qaaradda Afrika oo lagu qayaasay in ka badan hal (1) Bilion oo qofood.
Magaalada Kigale ee Dalka Rwanda ayaa lagu balamay in uu sannadka soo socda lagu qabto kulanka 6aad ee AVIATION AFRICA2020