Jimco, Maarso, 06, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, oo wareysi siiyay Dalsan tv ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya in ay ku shaqeynayso aragti ku saabsan in ay xabsi galiso ama god ku ogaato cid kasta oo ka aragti duwan.
“Aragtida dowladdaan waxay ku salaysan tahay ciddii naga hor timaada oo halis ku ah fikirkeena waa inaan xabsi galinaa ama dilnaa,” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan oo soo xiganayay sheeko dhexmartay nin hadda dowladda katirsan oo xilliyadii hore kamid ahaa mucaaradka ahaa iyo qof shacab ah.
Wuxuu tilmaamay in ay dowladdu adeegsanayso fikir ku saabsan in cid walboo iyaga kamid ah ay ka hor yimaadaan ama jaaifeeyaan qabaa’ilada iyo degaanada ay kasoo jeedaan ee mucaaradsan dowladda, si ay u muujiyaan daacaadnimadooda.
“Dowladdaan kuma filna dadka ka tirsan inay daacad kaliya u noqdaan, waxaa laga rabaa inay bari’ ka noqdaan qabaa’iladooda, degaanadooda iyo bulshadooda, sidee u caddeynayaan? Waa inay ka aflagaadeeyaan baraha bulshada sida uu sameeyay wasiirka warfaafinta,” ayuu yidhi Cabdirashmaan Cabdishakuur.
Cabdiraxmaan cabdishakuur waxaa uu tilmaamay aragtiyadaas in laga dhaxali karo cawaaqib xumo iyo dalku dib ugu laabto dagaal sokeeyo, wuxuuna sheegay inaan dalkaan lagu maamuli karin qori caaradiis iyo degaano nabad ah oo lagu duulo.