Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.
Raysal wasaaraha Soomaalia, Xasan Cali Kheyre ayaa qadka taleefoonka kula xidhiidhay qoyska Nuur Cadde, isaga oo ka xog-wareystay xaaladdiisa caafimaad wuxuuna yidhi.
“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin.”
Saacaddo kooban warka raysal Wasaaraha, waxaa baraha bulshada iyo qeybo kamid ah warbaahinta Soomaalida lagusoo faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan geerida raysal Wasaarihii hore, iyadoo aanay jirin cid markaas si toos ah loogasoo xiganayay geeridiisa.
Wararkaas been abuurka ah ayaa si aad ah loosii faafiyay, iyadoo ay sii qaateen siina faafiyeen dad caan ah oo ay bulshadu si aad ah ugu xiran tahay, taasoo sheekada run usii ekaysiisay.
Warbaahinta HOL, oo xidhiidh la sameysay xubno katirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, ayaa u sheegay in aanu waxba ka jirin warka saxaafadu tebinayso, iyaga oo sheegay in raysal wasaarihii hore uu nool yahay, xaaladiisana lala tacaalayo.
Marka lagasoo tago jaaliyadda, Wiil uu dhalay raysal wasaare Nuur Cadde oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Cadde ayaa isna beeniyay wararka la faafiyay,” isaga oo sheegay in aanu sax aheyn wararka lagu qoray baraha bulshada, wuxuuna yidhi Aabbahay waa nool yahay, alle ha caafiyo, xanuunka alle haka qaado.”