Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in Soomaaliya laga nadiifiyay Lacagihii amaahda ah ee uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo gaaraysay $ 122.55 milyan oo dollar.
Lacagtaan waxaa Soomaalia ka bixiyay Boqortooyada Uk iyo Midowga Yurub.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Baanka ayaa lagu sheegay in tilaabadaan ay calaamad u tahay, dhamaadka cunaqabateynta iyo dib u soo noqoshada wada shaqayntii buuxday ee ka dhexeeysay Bangiga iyo Soomaaliya.
Wadada dheer ee loo maray xallinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa soo bilaabatay 2014, waxayna soo martay dhameystirka seddex barnaamij oo kormeer ah oo ay isha ku haysay hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Wasiirka Maaliyadda, C / raxmaan Bayleh, oo arrintaan ka hadlayay wuxuu yiri: “Dejinta deynka Soomaaliya ee Bankiga Horumarinta Afrika, waa bilow cusub oo u bilowday Soomaaliya.
Madaxweynaha Bankiga Akinwumi Adesina ayaa xusay inay tahay waqti taariikhi u ah Soomaaliya. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in Bangiga Horumarinta Afrika uu bixiyo hoggaanka loo baahan yahay in lagu riixo laguna guuleysto wada-xaajoodka deynta Soomaaliya. Waxay ahayd mid ka tarjumaysa awoodda iskaashiga iyo dhisidda is-afgarad, ”ayuu yidhi Adesina.
Adesina wuxuu sii raaciyay, “Waxaan ku ammaanayaa dowladda Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso hirgalinta dib-u-habeeynta dhaqaalaha, iyo dowladda UK iyo Midowga Yurub sida ay uga bixiyeen Soomaaliya deyntii uu ku lahaa Bangiga Horumarinta Afrika. Wadajir ahaan, waxaan u qabanay dadka Soomaaliyeed. ”
Bangiga wuxuu sheegay inuu si dhakhso leh u bixin doono hawlgal cusub oo ku saleysan si ay gacan uga geysato kobcinta dhaqaalaha iyo dardargelinta horumarka Soomaaliya.