3/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 21, 2020
Kenya: Digniin laga bixiyay maaskaro been abuur ah oo dadweynaha loo qeybiyay


 

Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa kula taliyayay dadka reer Kiinya inay ka hortagaan maaskaro been abuur ah oo loogu talo galay in lagaga hortago cudurka coronavirus.

Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa u sheegay dadka reer Kenya in ay iska indhatiraan qof walba oo bixinaya maaskaro bilaash ah.

“Qoraalkayagu wuxuu ku saabsan yahay warbixinnada la sheegayo inay yihiin shaqaalaheena u qaybinaya maaskaro ka ilaalin doona inay qaadaan cudurka 'coronavirus', ayaa lagu yiri qoraalka  laanqyarta Cas.

"Waxaan kula talineynaa dadka reer Kenya in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda ee ku saabsan cudurka 'coronavirus' oo ay ka mid yihiin joogteynta heerarka nadaafadda sare, dhawrista fogaanta lagu taliyay ee bulshada iyo in laga fogaado meelaha dadku ku badan yahay," ayay tiri Laanqayrta Cas ee Kenya.

Koox dad ah oo isu sheegaya inay yihiin mutadawiciin Laanqayrta Cas katirsan ayaa lagu arkay meelo kala duwan oo basaska laga raaco magaalooyinka waaweyn iyagoo qaybinaya dadka maaskaro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/21/2020 11:30 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay kusoo rogtay awaamiir laga doonayo inay ku dhaqmaan marka dalka soo gaaraan.

3/21/2020 11:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagayo magaalada Muqdisho, booqashadaas oo ah mid rasmi ah oo khamiistii lasoo dhaafay madaxweynuhu ku dhawaaqay,

3/21/2020 8:18 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL) - Magaalada Jigjiga ee maamulka Somalida Itoobiya waxaa lagu arkayey gaadiid dagaal oo tiro badan oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

3/21/2020 4:38 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo labo maalmood ah fasaxaysa Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

3/21/2020 4:25 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus oo sida safmarka ah u saameeyay caalamka.

3/21/2020 4:22 AM EST
Sabti, Maarso, 21, 2020 ((HOL)- Golaha wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kulasoo galayo dowladda federalka Soomaaliya.