4/5/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2020
Muqdishio: Kaamirooyinka lagula soconayay dhaqdhaqaaqa amniga waddoyinka oo qaraxyo lagu burburiyay


 

Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Miinooyin ayaa lagu burburiyay afar kamid ah kaamirooyinkii  hay’adda ammaanku ku xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si loola socda dhaqdhaqaqa amniga ee waddooyinkaas.

Saakay salaadii subax kadib, ayaa laga maqlay dhawaqa qaraxyada isgoysyada ay ku kala xirnaayeem qalabkaan, kuwaas oo kala ah, Waabari, Hodan iyo Howlwadaag.

Muddooyinkii ugu dambeysay, Muqdisho waxay kasoo kabanaysay qarayxadii ka dhici jiray, balse lama oga kaamirooyinkaan in ay kaalin ka qaateen sugida amniga magaalada Muqdisho.

Goobaha kaamirooyinkaan ay ku xirnaayeen waxay ahaayeen meelaha ugu badan ee ay kasoo gudbi jireen baabuurta qaraxyada lagusoo raray ee lagu weeraro xarumaha dowladda iyo hotelada magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer oo horey ayaa sidan oo kale loo qarxiyay tabeelayaasha ay ku xirnaayeen Kaamirooyinka, waxaana muuqatay in dowladdu aysan masuuliyad ada iska saarin ilaalinta badqabka Kaamirooyinka xogta amniga ka caawinaya .

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/19/2020 10:58 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL )– Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iskudayda inay qaali gareeyaan raashinka si ay uga faa’iidaystaan cabsida laga qabo cudurka Corona Virus.

3/19/2020 9:47 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa si kumeel gaar ah hakisay howlaha waxbarashada muddo labo asbuuc ah oo ka bilaan doonta maalinka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 21ka Maarso 2020 kuna eg Jimcaha 3da Abril 2020.

3/19/2020 9:45 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa inuu faafo fayruska sida daran ugu faafaya dunidda ee COVID- 19, ayaa dhintay shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada.

3/19/2020 8:27 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada.

3/19/2020 7:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ka soo muuqday Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqay.

3/19/2020 4:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashadooyinka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah soo bandhigay 17 urur siyaasadeed oo si rasmi ah iskaga diiwaan galiyay guddiga doorashooyinka, saddexdii bilood ee ay furmayd furashada ururada siyaasada, iyadoo ku ekayd 15-march.

3/19/2020 2:53 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.