Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.
Madaxweynaha
ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga
helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu
feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed
sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan.
“Ilaa
iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah.
Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa
uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka
dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya .”
Madaxweynaha
ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka
caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka
Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo
isu-imaanshaha laga maarmi karo.
“Bulshada
ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan,
sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan
farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in
dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus.”
Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka
hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo
Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]