6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2020
Maraykanka oo albaabada ka xirtay muwaadiniinta 26 dal oo Yurub ah


 

Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Aqalka Cad ayaa Arbacadii shaaciyey in muwaadiniinta aan Mareykanka aheyn loo ogolaan doonin inay ka safraan Yurub oo ay tagaan Mareykanka muddo 30 maalmood ah. Tilaabadaan ayaa ah isku day aan caadi aheyn oo lagu joojinayo faafitaanka coronavirus-ka cusub.

Balse waxaa laga reebay safarada boqortooyada Ingiriiska.

"Si looga ilaaliyo kiisaska cusub inay soo galaan xeebahayaga, waxaan joojin doonnaa safarka Yurub looga imaanayo ee lagu tagayo Mareykanka 30ka maalmood ee soo socota," ayuu yidhi Mr Trump oo khudbad kooban ku sheegay.

Xeerkaan cusub ayaa dhaqan galaya jimcaha saqbadhka. Xayiraadaan waxaa lagu hagaajin doonaa iyada oo lagu saleynayo shuruudaha caafimaad ee Maraykanka. Xeerkaan ma qabanayo dadka Mareykanka ee maray baaritaano munaasib ah.

Laakiin Aqalka Cad ayaa markii dambe ku caddeeyay barta twitterka in xayiraadda ay quseyso oo keliya muwaadiniinta ajnabiga ah ee u safray mid ka mid ah 26 dal oo Yurub ah 14-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ku dhawaaqida ayaa timid ka dib markii Ururka Caafimaadka Adduunka uu Arbacadii shaaciyey in cudurka coronavirus ee ku faafaya adduunka oo dhan hadda lagu tilmaami karo inuu yahay masiibo.

Agaasimaha WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in WHO ay aad uga walaacsan tahay heerarka qaylo-dhaanta ee faafitaanka cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/12/2020 10:04 PM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Raiisel wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa si shaqsiyan ah isku karantiilay kadib markii uu isaga shakiyay inuu qaadday coronavirus, xafiiskiisa ayaa warkaasi ku dhawaaqay.

3/12/2020 5:35 PM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL) - Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Zhao Lijian ayaa barta uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in ciidamahada Mareykanka ay keeneen cudurka CORONAVIRUS magaalada Wuhan....

3/12/2020 10:19 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah loo furay garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe, kaddib markii toddobaadkan uu xarigga ka jaray ra'iisul wasaaraha xukuumadda ,Xasan Cali Khayre.

3/12/2020 9:25 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Dharkayn, ama Dharkayn-geenyo waa magaalo yar laakiin mudo dheer soo jirtey, waxaana mageceedu ka soo jeeda 1920kii xiligii daraawiishi ka baxday Taleex ayay ku hakadeen waxaana la yidhaa waxaan fardo ahayn may wadan, goobtan ayay ku qasheen geenyo.

3/12/2020 6:08 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo haysto dilka askari ka tirsan ilaallada deegaanka Xamar.

3/12/2020 6:04 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay khatarta sii kordheysa ee ku wajahan nabadda iyo amniga qaaradda Afrika ee ka imanaya argaggixisannimada.

3/12/2020 2:36 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (BBC) - Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

3/12/2020 2:20 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)- Maamulka Galmudug ayaa eedeyn ku eedeeyay Dowlad Gobolleedka ay ood-wadaagga yihiin ee Puntland in ay faragalin ku heyso arrimaha siyaasadda Galmudug.

3/12/2020 2:09 AM EST
Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday madaafiic ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.