6/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2020
Abiy oo wasiir u magacaabay Gabar Soomaali ah



Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya.

Filsan Cabdullaahi Axmed , oo ah haweenay u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka ayaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka , dhallinyarada iyo Carruurta xukuumadda Federaalka Itoobiya.

"Maareeyaha guud ee Nabad TV, Marwo Filsan Cabdullaahi Axmed  , ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Arrimaha Haweenka, Dhallinyarada iyo Carruurta ee dalka Itoobiya." ayuu baahiyay telefishinka Nabad ee ka howlgalla deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Filsan Cabdullaahi , ayaa ka mid aheyd qurbajoogta gobolka Soomaalida ,iyadoo muddo kooban ku noqotay dadka saameynta leh ee gobolka ka soo jeeda, waxay aas aastay telefishinka kaliya ee madaxa bannaan  deegaanka ee Nabad tv.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
3/11/2020 6:42 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku biirtay dagaalka sicirka saliida iyadoo ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan kor u qaadida wax soo saarka saliida ceyriinka ah qiyaastii 1 milyan oo fuusto maalintii laga bilaabo Abriil.

3/11/2020 4:55 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Hindiya ayaa Arbacadii maanta ku dhawaqday inay joojineyso dhammaan fiisooyinka safarka caadiga ah illaa iyo Abriil 15 si looga hortago sii faafitaanka cudurka coronavirus.

3/11/2020 11:42 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Magaalada Dharkayn-geenyo oo galbeed Laascaanood kaga quman hilaada 75Km. ayaa waxaa ku soo qulqulaya wufuud degaano badan ka imaanaya oo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Kililka shanad ee Itoobiya iyo Qurbajoog, si ay uga qayb galaan Caleemasaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo maalinta 12 bishan qabsoomi doona.

3/11/2020 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Germany, Angel Merkel, ayaa sheegtay in 60-70% dadka reer Germany uu ku dhici karo cudurka coronavirus. Waxay aqbaartaan ugudbisay sharci dajiyayaasha xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) iyo xisbiga kale ee Bavaria, Christian Social Union (CSU.

3/11/2020 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray inuu lasoo kulmo kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

3/11/2020 7:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.

3/11/2020 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Taliska sare ee howlgalka Mareykanka Africom ayaa ku tilmaamay howlgalka iyo duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya kuwo wax tar leh.