6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2020
Magaalada Dharkayn-geenyo oo ay ku soo qulqulayaan wufuud Somaliland Puntland iyo Itooboya ka imaanaya


 

Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Magaalada Dharkayn-geenyo oo galbeed Laascaanood kaga quman hilaada 75Km. ayaa waxaa ku soo qulqulaya wufuud degaano badan ka imaanaya oo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Kililka shanad ee Itoobiya iyo Qurbajoog, si ay uga qayb galaan Caleemasaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo maalinta 12 bishan qabsoomi doona.

Weftiyada ilaa haatan soo gaadhey magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka mid ah wefti madax dhaqameed ah oo ka yimi dhinaca Puntland oo uu hogaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed kuwaas oo lagu soo dhoweeyey degaanka Godqaboobe oo ku dhowaad 80Km. bari kaga aadan magaalada Laascaanood.
 
Sidoo kale waxaa weftigaas la socdey madax-dhaqameed dawlad degaanka Somalida Itoobiya ka socdey oo uu hogaaminayey Garaad Dool Garaad Wiilwaal, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed oo haatan.
 
Dhinaca Somaliland ayaa waxaa Magaalada Laascaanood Soo gaadhey wefti uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali ayna weheliyaan masuuliyiin kala duwan iyo madaxdhaqameed.
 
Madasha Caleemasaarka Dharkayn-geenyo oo aan kala xidhiidhay xildhibaan Sekeriye Aadan Muuse ayaa waxa uu sheegay in ilaa hada ay ku soo qulqulayaan wufuud degaanada dhowdhow ka imanaysa.
 
"Madashan oo ah mid dhaqan waxaa laga imaanayaa Somaliland Puntland iyo Itoobiyaba, waxaana imaanaya Siyaasiyiin iyo madax dhaqameed waxaana Ilaahay ka baryaynaa in guul ay noogu dhamaato.
 
Magaaladan Dharkayn ayaa ah magaalo maamulo badan, qayb ka mid ah waa Dawlad degaanka halka Somaliland maamul ugu magcaaban yahay Puntlandna sidoo kale uu maamul u jooga ayaa hadana kulminaysa siyaasiyiin is haya walow ay sheegeen gudiga qabanqaabadu in ay haystaan ciidan amaanka ku filan.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood
 










Click here
3/11/2020 6:42 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku biirtay dagaalka sicirka saliida iyadoo ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan kor u qaadida wax soo saarka saliida ceyriinka ah qiyaastii 1 milyan oo fuusto maalintii laga bilaabo Abriil.

3/11/2020 4:55 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Hindiya ayaa Arbacadii maanta ku dhawaqday inay joojineyso dhammaan fiisooyinka safarka caadiga ah illaa iyo Abriil 15 si looga hortago sii faafitaanka cudurka coronavirus.

3/11/2020 4:39 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya.

3/11/2020 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Germany, Angel Merkel, ayaa sheegtay in 60-70% dadka reer Germany uu ku dhici karo cudurka coronavirus. Waxay aqbaartaan ugudbisay sharci dajiyayaasha xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) iyo xisbiga kale ee Bavaria, Christian Social Union (CSU.

3/11/2020 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray inuu lasoo kulmo kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

3/11/2020 7:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.

3/11/2020 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Taliska sare ee howlgalka Mareykanka Africom ayaa ku tilmaamay howlgalka iyo duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya kuwo wax tar leh.