6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2020
Raysal Wasaaraha Germany oo sheegtay in 60-70% dadweynaha Jarmalka ay qaadi karaan cudurka coronavirus


 

Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Germany, Angel Merkel, ayaa sheegtay in 60-70% dadka reer Germany uu ku dhici karo cudurka coronavirus. Waxay aqbaartaan ugudbisay sharci dajiyayaasha xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) iyo xisbiga kale ee Bavaria, Christian Social Union (CSU.

Merkel waxay taageertay joojinta dhammaan dhacdooyinka aan muhiimka ahayn ee dadweynaha, taas oo qayb ka ah dadaalka lagula dagaallamayo faafitaanka fayraska Covid-19', laakiin waxay meesha ka saartay walaacyo la xiriira mamnuucidda munaasabadaha waaweyn.

"Ciyaaraha isboorti ee lagu ciyaaro garoonnada oo madhan ma ahan waxa ugu xun ee dalkan ku dhici kara," ayay tidhi Merkel.

Iyada oo laga jawaabayo dalabyada ku aaddan tallaabada gobolka ee lagu xakameynayo saameynta dhaqaale ee cudurka faafa, Merkel waxay sheegtay inaanu Jarmalku u baahnayn qorshe dhiirrigelin dhaqaale hadda si looga hortago saameynta cudurka coronavirus, laakiin ay  muhiim tahay in xal loo helo cudurka, sida in la helo tallaal lagu xakameeyo.

Jarmalka ayaa laga helay in kabadan 1,500 oo kiis oo ah COVID-19, oo ay ku jiraan laba dhimasho oo la xaqiijiyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/11/2020 6:42 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku biirtay dagaalka sicirka saliida iyadoo ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan kor u qaadida wax soo saarka saliida ceyriinka ah qiyaastii 1 milyan oo fuusto maalintii laga bilaabo Abriil.

3/11/2020 4:55 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Hindiya ayaa Arbacadii maanta ku dhawaqday inay joojineyso dhammaan fiisooyinka safarka caadiga ah illaa iyo Abriil 15 si looga hortago sii faafitaanka cudurka coronavirus.

3/11/2020 4:39 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya.

3/11/2020 11:42 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Magaalada Dharkayn-geenyo oo galbeed Laascaanood kaga quman hilaada 75Km. ayaa waxaa ku soo qulqulaya wufuud degaano badan ka imaanaya oo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Kililka shanad ee Itoobiya iyo Qurbajoog, si ay uga qayb galaan Caleemasaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo maalinta 12 bishan qabsoomi doona.

3/11/2020 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray inuu lasoo kulmo kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

3/11/2020 7:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.

3/11/2020 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Taliska sare ee howlgalka Mareykanka Africom ayaa ku tilmaamay howlgalka iyo duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya kuwo wax tar leh.