6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2020
Madaxweynaha Kenya oo wafdi u diray Ethiopia si ay ugalasoo hadlaan arrimaha Soomaaliya


 

Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray inuu lasoo kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdigaan ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay raysal wasaaraha Ethiopia ugalasoo hadli lahaayeen inuu qeyb ka qaato dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo xiisadda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Itoobiya ay cadaadis ku saartay madaxweyne Farmaajo inuu si toos ah ula hadlo Madaxweyne Uhuru si loo dajiyo xiisadaha gobolka oo aanayn ka faa'iideysan  Alshabaab.

Tallaabadan ayaa timid markii la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku baaqeen wada-shaqeyn iyo wadahadal dhexmara mas'uuliyiinta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxayna ka codsadeen in dhammaan hawl-wadeennada ay is xakameeyaan kana fogaadaan ficillo rabshado kicin kara.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/11/2020 6:42 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku biirtay dagaalka sicirka saliida iyadoo ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan kor u qaadida wax soo saarka saliida ceyriinka ah qiyaastii 1 milyan oo fuusto maalintii laga bilaabo Abriil.

3/11/2020 4:55 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Hindiya ayaa Arbacadii maanta ku dhawaqday inay joojineyso dhammaan fiisooyinka safarka caadiga ah illaa iyo Abriil 15 si looga hortago sii faafitaanka cudurka coronavirus.

3/11/2020 4:39 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya.

3/11/2020 11:42 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Magaalada Dharkayn-geenyo oo galbeed Laascaanood kaga quman hilaada 75Km. ayaa waxaa ku soo qulqulaya wufuud degaano badan ka imaanaya oo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Kililka shanad ee Itoobiya iyo Qurbajoog, si ay uga qayb galaan Caleemasaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo maalinta 12 bishan qabsoomi doona.

3/11/2020 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Germany, Angel Merkel, ayaa sheegtay in 60-70% dadka reer Germany uu ku dhici karo cudurka coronavirus. Waxay aqbaartaan ugudbisay sharci dajiyayaasha xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) iyo xisbiga kale ee Bavaria, Christian Social Union (CSU.

3/11/2020 7:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.

3/11/2020 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Taliska sare ee howlgalka Mareykanka Africom ayaa ku tilmaamay howlgalka iyo duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya kuwo wax tar leh.