Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.
Mss Nadine Dorries, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay Hooyadeed
oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, iyadoo qaadday tallaabooyinka
lagama maarmaanka ah ee lagula taliyay, Gurigeedana ay isku
karantiishay.
Hay’adda caafimaadka ee England ayaa haatan billowday inay raadiyaan
dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka
shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.
Nadine Dorries, ayaa khamiistii lasoo dhaafay laga helay astaamaha
xanuunka, xilligaas oo ay booqatay Aqalka looga arrimiyo dalka
Ingiriiska ee Downing Street, waxaana halkaas ay kula kulantay Ra’iisul
wasaaraha Britain, Boris Johnson.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]