6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2020
Taliska Mareykanka Africom '' Duqeymaha aan ka fulinno Soomaaliya waa kuwo wax tar leh


 

Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Taliska sare ee howlgalka Mareykanka Africom ayaa ku tilmaamay howlgalka iyo duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya kuwo wax tar leh.

Gen Stephen Townsend oo ah taliyaha howlgalka Africom ee Mareykanka ayaa isaga oo la hadlayay Idaacadda VOA waxaa uu sheegay in Mareykanku uu arkayo awoodii ururka Al-shabaab oo meesha ka sii baxeysa.

“Duqeymaha waxa aan xaqiiqdii rumeysanahay in ay yareynayaan awoodda Al-Shabaab, waxaan aragnaa in ay ka baxayaan meelaha aan xoogga saarno, muuqaal ahaan waxa aynu arkeenaa iyaga oo ka baxaya”.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee uu ka geysanyo gudaha Soomaaliya, waxaana ujeedka ay ku sheegeen in ay kaga hortagayaan Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen in ay khatar ku yihiin Dowlada Federalka Soomaaliya, AMISOM iyo danaha Mareykanka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa si joogta ah duqeymo uga fuliya qeybo kala duwan ee ka tirsan Soomaaliya gaar ahaan gobollada dhaca Koonfurta oo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada Ururka Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  

 










Click here
3/11/2020 6:42 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku biirtay dagaalka sicirka saliida iyadoo ku dhawaaqday qorshaheeda ku aaddan kor u qaadida wax soo saarka saliida ceyriinka ah qiyaastii 1 milyan oo fuusto maalintii laga bilaabo Abriil.

3/11/2020 4:55 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Hindiya ayaa Arbacadii maanta ku dhawaqday inay joojineyso dhammaan fiisooyinka safarka caadiga ah illaa iyo Abriil 15 si looga hortago sii faafitaanka cudurka coronavirus.

3/11/2020 4:39 PM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wasiir heer federaal ah u magacaabay gabar ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya.

3/11/2020 11:42 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Magaalada Dharkayn-geenyo oo galbeed Laascaanood kaga quman hilaada 75Km. ayaa waxaa ku soo qulqulaya wufuud degaano badan ka imaanaya oo ay ka mid yihiin Puntland, Somaliland, Kililka shanad ee Itoobiya iyo Qurbajoog, si ay uga qayb galaan Caleemasaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo maalinta 12 bishan qabsoomi doona.

3/11/2020 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Germany, Angel Merkel, ayaa sheegtay in 60-70% dadka reer Germany uu ku dhici karo cudurka coronavirus. Waxay aqbaartaan ugudbisay sharci dajiyayaasha xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) iyo xisbiga kale ee Bavaria, Christian Social Union (CSU.

3/11/2020 8:01 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xoghayihiisa golaha xukuumadda, Fred Matiang u diray inuu lasoo kulmo kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

3/11/2020 7:00 AM EST
Arbaco, Maarso, 11, 2020 (HOL)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.