Guddoomiyahii Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee NFD oo uu Ku Eedeeyey Kenya inay Duulimaad Guumeysi Ka Wado Dhul Soomaaliyeed
Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL) Guddoomiyihii dhaq-dhaqaaqii loo yaqaanay NFD Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul, ayaa ka dhawaajiyey in ay weli jiraan dhaq-dhaqaaqyaddii Soomaaliyeed ee goballada NFD, waxaana uu carabka ku dhuftay in duulimaadka ay dawladda Kenya ku hayso Soomaaliya gaar ahaan Kismaayo uu yahay mid la doonaayo in lagu ilaabo arrinta NFD isaga oo sidoo kale na carabka ku dhuftay in Axmed Madoobe uu u adeegaayo dawladda Kenya.
Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu u waramaayey Idaacadda VOA, waxaana uu ugu horreyn sheegay in dawladda Kenya ay si sharci darro u gashay gudaha wadanka Soomaaliya isla mar ahaantaana ay lacago Malaayiin ah ku bixisay siddii loo dhisi lahaa Axmed Madoobe.
“Jubbaland nidaamka loo sameeyey khalad weeye, dawlad Ajanabi ah baa waxay gashay Soomaaliya iyada oo aan idan ka haysanin dawladda Soomaaliya, niman ayaana si xun u la taliyey dawladda Kenya, waxa kale oo jira waxyaabo la yidhaa khayraadka dabiiciga ah ee Jubbaland, markaa inta aanay arrintu noqonin dawlad la dhiso waxaan arki jiray niman halkan mara oo geli jiray Jubbaland oo qaarkood Faransiis ay ka socdeen oo niman caddaana ah. Ayuu yidhi Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu yidhi: “Kenya 4000 oo ciidan ah bay geysay Soomaaliya iyada oo cid Soomaali ahi aanay oggeyn, wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga iyo kooxo noocaas ah ayaa kaalmeeyey in Kismaayo loo qabto iyaga oo markaas na ku fakersan in NFD la ilaabo. Runtii NFD sideedii ayey tahay, NFD waa ay aamustay sababo la xidhiidha Geeska Afrika oo burbursan awgeed, mas’alada NFD na waa mas’alo taagan.”.
Waxa kale oo uu Xildhibbaano Soomaaliyeed oo ka tisan Baarlamaanka Kiiniya uu ku eedeeyey inay iyagu dhibbaatada ka wadaan gudaha Soomaaliya isaga oo fariin culus u diray Xildhibbaanaddaasi. “Horta haddii xornimo jirto, taa iyada na idinka oo dhallinyaro ah ama jiilka soo bixi doona ayaa ka jawaabi doona se sida aanu u arkaynaa sidaa maaha, lama na xalin arrintaas, markaa juujuub ma noqon karto. Anigu Mucaarad baan ahaa, xattaa Kukuuyo ma rabto dadkan kale, waxana wax iskaga kay qufulan maaha oo waa wax Ilaahay I siiyey, Kiiniya na way u qasaday inay qabsato dhulkaas, waxaana aan mudaneyaasha kala hadli lahaa kuwo dhex-dhexaadiya Kiiniya. Mudaneyaasha taageersan Maamulka Jubbaland aad bay u khaldan yihiin, iyagaa dagaal holcinaaya, wax la qarin karo na maaha oo mudaneyaasha haddey taageerayaan Axmed Madoobe, waa si wacan ee markaas ha sameeyaan waan-waan oo Axmed Madoobe ha geeyaan Muqdisho maaha inay hoteladan ka hadlaan, weli ba weli ba afka ay ku hadlayaan waa af dagaal ooggenimo ah”.
Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko xalka arrinta Jubbaland ee muranku ka taagnaa muddooyinkii dambe, waxaana uu yidhi: “Anigu Axmed Madoobe waxba uma diidani, hadda sida aan arkayo na waa nin ay wadaan ciidamo guumeysi ahi, ha ka baxo waxaas, ha tago Muqdisho, waa nin Soomaali ah, wuxu rabana halkaas ha ka sheego laakiin maaha halkan, isaga waxa wadaa waa Kiiniya. Xalka waxaan u arkaa sida ay hadda go’aamiyeen oo ah in shir-weyne la qabto oo lagu qabto Muqdisho, xattaa ninkan aan maqlaayey haddey soo heshiiyaan dawladdu waxba kama qabto, cid u diidan inuu meeshaa madax ka noqdaana ma jirto se waa inuu shirka tagaa oo uu meesha oggolaadaa oo isu sharaxaa ilayn dadkaasuu ka mid yahee. Waana khalad inuu shuruud sheegto oo dawlad Soomaaliyeed iyo Jubbaland ma wada-hadli karaan oo maaha dhul ka gaara ee waa qeyb ka mid ah Soomaaliya, dawladda markan jirta ee Federaalka ayeyna amarkeeda hoos imaanaysaa.”.
Ugu dambeyn, wuxu xusay in Kenya ay lacago badan ku bixisay arrinta Jubbaland, waxaana ka mid ah hadaladiisii: “Madaxweyne afka uu ku hadlayaa maaha afkiisa se waa Af-ajanabi, waxaana dabada ka riixaysa Kiiniya oo sheegtay inay 8 Billion ku bixisay, waa maxay markaa sababtu. Arrintan haddii wax iska beddeli waayaan waxaan u arkaa inay aakhirka noqonayso Kiiniya iyo Soomaaliya, dawlad maaha se shacbi weynaha Soomaaliya iyo Kiiniya ayey noqon doontaa. Afrika waa ay isa sixi doontaa, Afrika maaha xor, waxa ku dhacay Soomaaliya na waa wax loo qasday, dhibbaatada ugu weynina anagay naga timi, waxay ka timi goballadii maqnaa, anagaa baa’binnay Milatarigoodii oo anagaa baa’biinay siyaasaddoodii”.