6/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2020
Midowga Yurub oo Somaliland ka caawin doonna dib u habaynta Garsoorka iyo ciidanka Booliska


 

Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL)– Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo wakiiladda Midowga Yurub iyo Sweden ayaa kala saxeexday mashruuc dib loogu habaynayo hay’adaha garsoorka iyo Booliska.

Mashruucan oo ku kacaya lacag ka badan Toddoba milyan oo dollar, ayaa lagu kala saxeexday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana goob joog ka ahaa wasiirrada wasaaradaha caddaaladda, Dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha, qorsheynta qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada Booliska, Asluubta iyo Laanta socdaalka, guddoomiyaha hay’adda xuquuqal Insaanka qaranka iyo qaar kamid ah hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa midowga Yurub ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha garsoorka iyo horumarinta shuruucda.

Safiirrada Midowga Yurub iyo dalka Sweden, ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Somaliland ee dhinacyada kala duwan leh, islamarkaana ay ku talinayaan inay sida ay tahay uga faa’iidaysto mashruucan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin ayaa uga xog waramay sida amniga xooga u saareen, waxaanu tilmaamay in xuduudda Itoobiya la wadaagaan ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee labadda ah, waxaanu xusay in xuduudda Soomaaliya la wadaagaan aanay jirin cida ay kala shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay in bilihii u dambeeyey kooxo argagixiso ah ay qabteen, taas oo sharciga la horgeeyey.

Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada u tobabaran la dagaalanka argagixisada oo ay caawin jireen Inigiriisku ay ku eeg tahay bishan March 31-keeda, sidaas darteed waxa uu ka codsaday inay iyagu kaalintii Ingiriiska u buuxiyaan.

Ugu dambeyn, waxay kala saxeexdeen midowga Yurub mashaariic lagu horumariyo bahda garsoorka iyo ciidanka, kuwaas oo ay maalgalin doonaan midowga Yurub.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 










Click here
3/10/2020 3:30 PM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maalmahana si gaar ah isha ugu haysay Caabuqo COVID-19, ayaa shaacisay inay baritaan ku hayso muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakey soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, kaasoo looga shakisan yahay inuu qabo feyraska Covid 19.

3/10/2020 12:28 PM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL) Guddoomiyihii dhaq-dhaqaaqii loo yaqaanay NFD Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul, ayaa ka dhawaajiyey in ay weli jiraan dhaq-dhaqaaqyaddii Soomaaliyeed ee goballada NFD, waxaana uu carabka ku dhuftay in duulimaadka ay dawladda Kenya....

3/10/2020 9:14 AM EST
Talaado, Maarso, 10,2020(HOL)–Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin Masri ah oo xayawaanka looyaqaan Caasho badhidda isagoo si qarsoodiya uga dhoofinayey madaarka Hargeysa.

3/10/2020 4:58 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa la noqotay saami boqolkiiba 19% ah oo ay ku lahayd Dekadda Berbera, waxayna sheegtay toddobaadkan in mashruucaas ay si buuxda u hakiyeen.

3/10/2020 3:59 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Guddiga Olombikada Talyaaniga ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dhammaan dhacdooyinka isboorti - oo ay ku jiraan kubbadda cagta Serie A - laga joojiyay waddanka illaa iyo 3da Abriil sababo la xiriira walaac caafimaad oo la xiriira coronavirus.

3/10/2020 3:15 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Culimada muslimiinta Kenya ayaa Kenya ugu baaqay in ay tixgaliso qorshaheeda ku aadan inay kala baxdo Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

3/10/2020 2:54 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka Africom ayaa looga hadlay duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose