6/3/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2020
Golaha muslimiinta Kenya oo ugu baaqay dowladda Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya


 

Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Culimada muslimiinta Kenya ayaa Kenya ugu baaqay in ay tixgaliso  qorshaheeda ku aadan inay kala baxdo Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Talada Muslimiinta Kenya (Kemnac) Sheekh Juma Ngao ayaa u sheegay warbaahinta in Kenya ay tahay in ay ixtiraamto dowladda Soomaaliya ayna u ogolaato in ay wax ka qabato dhibaatadeeda.

“Xiisada ka dhex aloosan labada dowladood ayaa saamaynaya dadka reer Kenya ee ku nool gobolka Waqooyi-Bari. Dowladdu waa inay dib uga fikirtaa oo ay askarteena kusoo celisaa guryahooda ”ayuu yidhi Sheekh.

Wuxuu kaloo ku boorriyay dowladda Kenya inay difaacdo dadkeeda, isagoo raaciyay in millatariga la dhigo xuduudaha si ay ula dagaalamaan Al-shabaab ayna joojiso in ciidamadeeda milatariga dano gaar ah dal Soomaaliya ka fuliyaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/10/2020 3:30 PM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maalmahana si gaar ah isha ugu haysay Caabuqo COVID-19, ayaa shaacisay inay baritaan ku hayso muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakey soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, kaasoo looga shakisan yahay inuu qabo feyraska Covid 19.

3/10/2020 12:28 PM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL) Guddoomiyihii dhaq-dhaqaaqii loo yaqaanay NFD Suldaan Deeqoow Suldaan Macalin Sanbuul, ayaa ka dhawaajiyey in ay weli jiraan dhaq-dhaqaaqyaddii Soomaaliyeed ee goballada NFD, waxaana uu carabka ku dhuftay in duulimaadka ay dawladda Kenya....

3/10/2020 11:46 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 HOL)– Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo wakiiladda Midowga Yurub iyo Sweden ayaa kala saxeexday mashruuc dib loogu habaynayo hay’adaha garsoorka iyo Booliska.

3/10/2020 9:14 AM EST
Talaado, Maarso, 10,2020(HOL)–Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin Masri ah oo xayawaanka looyaqaan Caasho badhidda isagoo si qarsoodiya uga dhoofinayey madaarka Hargeysa.

3/10/2020 4:58 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa la noqotay saami boqolkiiba 19% ah oo ay ku lahayd Dekadda Berbera, waxayna sheegtay toddobaadkan in mashruucaas ay si buuxda u hakiyeen.

3/10/2020 3:59 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)- Guddiga Olombikada Talyaaniga ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dhammaan dhacdooyinka isboorti - oo ay ku jiraan kubbadda cagta Serie A - laga joojiyay waddanka illaa iyo 3da Abriil sababo la xiriira walaac caafimaad oo la xiriira coronavirus.

3/10/2020 2:54 AM EST
Talaado, Maarso, 10, 2020 (HOL)-War ka soo baxay Taliska Howlgalka Mareykanka Africom ayaa looga hadlay duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose