4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Bangiga Aduunka oo meel mariyey $ 40 Milyan oo Lagu Taageerayo wax ka qabashada dhibaatada Ayaxa ee Soomaaliya
 

Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday mashruuc ku kacaya $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah (IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah, si wax looga qabto khatarta Ayaxa iyo xoojinta nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Duullaanka Ayaxa ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay hab nololeedka ugu yaraan 2.6 milyan oo ku nool afartan iyo saddex degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

"Khatarta duulaanka ah ee Ayaxu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis iyo iskahorimaad ku saleysan kheyraadka," ayuu yiri Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo.

Mashruucaan wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad 100,000 oo qoys oo helidoona caawimaad lacageed si ay u helaan cunno awood u siinaya inay ilaashadaan hantidooda iyo jir ahaanta inta lagu jiro dhibaatada.

“Waxaan taageereynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dejiso nidaam ilaalin bulsheed oo hoos yimaada barnaamijka Baxnaano kaasoo si dhaqso leh uga jawaabi kara si looga ilaaliyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada, inay ku dhacaan heerar qoto dheer oo cunno yari, iyo sidoo kale ka hortagga iibka iyo luminta hantidooda wax soo saar,” ayuu yidhi Felipe Jaramillo.

Ku dhawaad boqolkiiba 70 dadka Soomaalida ah ayaa ku nool heerka ugu hooseeya ee saboolnimada iyadoo saboolnimada ay aad ugu sii badan tahay meelaha miyiga ah, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya dalka saddexaad ee ugu saboolsan gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]