4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Fannaan caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada oo Itoobiya lagu khaarajiyay
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Sida ay qoreen Warbaahinta Itoobiya heesaaga ahna Abwaanka Haacaaluu Hundeessaa oo kasoo jeeday qowmiyadda Oromada ee waddankaas ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa .

Wuxuu ahaa nin caan ku ah heesaha iyo sameyntooda, wuxuuna dowr weyn ku lahaa isbedalkii ka dhacay gudaha dalkaasi Itoobiya, isagoo fankiisa u isticmaalay.

Wuxuu ahaa nin dhalinyaradu ay aad ugu xiranyihiin, lamana oga in dilkiisa uu xiriir la leeyahay galaangalkiisa siyaasadeed iyo taageerada fankiisa uu ku dhex leeyahay dalka ee dhinaca siyaasadda.

Sida uu qoray Wargeyska Addis Standard waxaa dhaawac ahaan loo geeayay  Cisbitaalka Tirunesh Beijing halkaas oo uu markii dembe ku dhintay.

Ma jiraan illaa iyo hadda war rasmi ah oo dowladda kasoo baxay oo ku saabsan dilka ninkaasi fannaanka ahaa.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]