4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Somaliland oo laga xaqiijiyay kiisas cusub oo COVID-19 ah
 

Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Guddiga xakameynta xanuunka COVID-19 ee Somaliland ayaa waxay sheegeen in maanta oo qura ay xaqiijiyeen 18 xaalad oo cusub oo ah xanuunka Coronavirus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay illaa 80 ruux oo looga shakiyay xanuunkaas.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa qeexday in dadkaasi cusub ee COVID-19 laga helay hadda ay ku jiraan goobo caafimaad oo lagu karaantiilay,  waxaana xaaladdooda la socda dhaqaatiirta.

Mas'uuliyiinta dhinaca caafimaadku waxay sidoo kale tafaasiil dheeraad ah ay ka bixiyeen dadka cusub ee laga helay COVID-19, waxayna kala yihiin 15 ruux oo Hargeysa jooga iyo 3 qof oo kunool Borama,  halka 6 ruux xanuunka ay ka bogsoodeen.

Wadarta isu-geynta guud Somaliland dadka qaaday xanuunka Coronavirus ayaa gaaraya 376 ruux,  waxaana u dhintay 22 qof , halka ay ka bogsoodeen 54 ruux,  sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka.

Somaliland waxay iminka ka mid tahay meelaha uu cudurka uu kusii faafayo,  iyadoo maalin walba lasoo bandhigayo tobannaan xaalado cusub ah,  iyadoo shalay laba kamid ah wasiirrada Somaliland la caddeeyay in COVID-19 laga helay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]