Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Axmed Macallin Fiqi " Ciddii Al-shabaab lacag siiso, waxaan u aqoonsan doonnaa maal-geliyaha koox argagaxiso ah "
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen in guud ahaan isbaarooyinkii yaallay waddada dheer ee laamiga ah ee marta gudaha maamulkaasi ay qaadeen, waxa uuna intaa ku daray in dhalinyaradii u abaabulnaa hannaanka beelaha oo ay jidgooyooyinka yaalleen ay xareynayaan, tababar kadibna ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada lagu aas-aasayo daraawiishta Galmudug.
"Waan xareyneynaa dhalinyaradan hubka culus wata, waxaana u qeybin doonnaa labada Gobol oo ay Galmudug ka koobantahay ee Galgaduud iyo Mudug" ayuu wasiir Fiqi u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.
Dhinaca kale, wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa mar wax laga weydiiyay arrinta ganacsatada Galmudug oo ay Al-shabaab ka qaadaan lacagaha, wuxuu qeexay inuu jiro ammar ay horay usoo saareen oo ah in ciddii lacago siisa Alshabaab ay u diiwaan-gelin doonaan maal-geliyaha koox argagaxiso ah, sida uu hadalka u dhigay.
"Ma aqbali doonno in Al-shabaab ay ganacsatadu lacag siiyaan, hadda kadibna ma dhici doonto in ay ka cabsoodaan " ayuu Wareysigii laga qaaday ku sheegay Axmed Macallin Fiqi.
Galmudug ayaa laga dareemayaa isbedal ammaan iyo mid siyaasadeedba, tan iyo wixii ka dembeeyay markii Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu soo magacaabay golahiisa wasiirrada.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]
Soomaaliya oo dhowaan fureysa duullimaadyadii caadiga ahaa ee dalka
6/3/2020 10:47 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ay qorsheyneyso in dib loo furo howlihii duulimaadyada caadiga ahaa ee garoomada diyaaradaha dalka, sida lagasoo xigtay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.
Somaliland oo laga xaqiijiyay kiisas cusub oo COVID-19 ah
6/3/2020 9:54 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Guddiga xakameynta xanuunka COVID-19 ee Somaliland ayaa waxay sheegeen in maanta oo qura ay xaqiijiyeen 18 xaalad oo cusub oo ah xanuunka Coronavirus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay illaa 80 ruux oo looga shakiyay xanuunkaas.
Ciidamada Booliska oo qarxiyay miinooyin la dhigay meel ku dhow Jaamacadda Umadda
6/3/2020 7:47 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa waxay maanta qarxiyeen labo xabbo oo miino ah lagu aasay afaafka hore ee jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, faraceeda Gaheyr, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qarxintooda.
Taabit Cabdi Maxamed " Soomaaliya xilligaan ma samata-bixin karo shakhsi ay gadaal ka taaganyihiin dalal shisheeye "
6/3/2020 6:42 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahna hoggaamiyaha xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay maqaam u sameynta Caasimadda iyo dowrka matalaad oo ay ku yeelaneyso saamiga wax qeybsiga siyaasadda, waxa uuna sheegay in shacabka ku nool Muqdisho ay jiraan dad u diiddan iney helaan matalaadda rasmiga ah oo ay leeyihiin.
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Buurdhuubo
6/3/2020 5:31 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta maamulka degmada, iyagoo iska caabbin kala kulmay ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.
Kenya oo soo bandhigtay talaabooyinka ka horeeya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya
6/3/2020 5:20 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Kenya iyo wadamada kale ee ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas qeyb ka ah howgalka midowga Afrika ee Amisom ayaa la filayaa inay baxaan Soomaaliya marka la gaaro Diseembar sanadka 2021.
Qaramada Midoobey oo ka digtay dhibaatada bani’aadanimo ee soo food saartay Soomaaliya
6/3/2020 2:56 AM EST
Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ugu yeertay beesha caalamka inay gacan ka siiso Soomaaliya sidii looga hor tagi lahaa dhibaatada weyn ee bini'aadanimo ee ka dhashay saameynta wadajirka ah ee daadadka, Ayaxa iyo saameynta ballaaran ee COVID-19.
Somali News
Attorney General Keith Ellison upgrade charges against officer who knelt on George Floyd's neck; charged other 3 involved
-
Star Tribune
6/3/2020 5:28 PM EST
Attorney General Keith Ellison’s office on Wednesday upgraded charges against the former Minneapolis police officer who knelt on George Floyd’s neck and charged the other three officers at the scene with aiding and abetting murder.
Sudan appoints new defense chief amid tensions with Ethiopia
-
AP
6/3/2020 4:08 PM EST
CAIRO (AP) — Sudan on Tuesday swore in a new defense minister more than two months after the death of the former defense chief and amid tensions with neighboring Ethiopia.
All four former officers involved in George Floyd's killing now face charges
-
CNN
6/3/2020 4:03 PM EST
MINNEAPOLIS -- The former Minneapolis Police officer who pressed his knee into George Floyd's neck was charged with second-degree murder and the three other officers on scene during his killing are charged with aiding and abetting second-degree murder, according to court documents.
Telcos critical to taming COVID-19 spread- Hormuud Telecom CEO Ahmed Yusuf
-
HOL
6/3/2020 5:46 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Telecommunication companies play an integral role in countering COVID-19 spread through delivery of accurate public information, fighting disinformation and supporting governments in contact tracing, the head of Somalia’s largest telco has said.
COVID-19, floods and locusts risk to Somalia’s stability - UN
-
HOL
6/3/2020 5:28 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somalia could slide back into further political instability and humanitarian crisis owing to the triple impact of COVID-19, floods and desert locusts, the UN has said.
Ottawa cop accused of murdering Somali-Canadian nears trial amidst heightened racial climate
-
HOL
6/3/2020 2:11 AM EST
Ottawa (HOL) - As unrest continues throughout America as a result of the brutal death of George Floyd at the hands of Minneapolis police, the city of Ottawa is bracing itself for the conclusion in a similar case involving the murder of a black man at the hands of its police force.
Many Americans would pick Trudeau over Trump if given the chance amid COVID-19: poll
-
NEWS1130
6/3/2020 12:36 AM EST
VANCOUVER (NEWS 1130) – Many Americans believe our prime minister is doing a better job than their president in handling the COVID-19 pandemic — and they apparently want to trade.
Minneapolis Public Schools voted to end its contract with the city’s police after the death Of George Floyd
-
Buzzfeed
6/3/2020 12:31 AM EST
The decision is a giant step for activists as protests rise across the country, and could drive other districts to do the same.
Somali National Army takes part in the fight against coronavirus
-
UNDP
6/3/2020 12:26 AM EST
Whenever a national disaster occurs, the country’s army plays a huge role in rescue operations and in protecting the Somali people.
In show of solidarity, EU organizes air bridge for WHO to deliver critical life-saving supplies to flood-affected areas in Somalia
-
WHO
6/3/2020 12:18 AM EST
The Delegation of the European Union (EU) to Somalia conducted another special flight for the WHO country office in Somalia to airlift lifesaving medicine and other emergency hospital supplies to Jowhar, Kismayo and Baidoa
UN warns of looming humanitarian crisis in Somalia
-
Xinhua
6/3/2020 12:14 AM EST
MOGADISHU, June 2 (Xinhua) -- The UN on Tuesday called on the international community to help Somalia avert a major humanitarian crisis due to the combined effect of devastating floods, desert locusts and the widespread impact of COVID-19.