4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Qaramada Midoobey oo ka digtay dhibaatada bani’aadanimo ee soo food saartay Soomaaliya
 

Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ugu yeertay beesha caalamka inay gacan ka siiso Soomaaliya sidii looga hor tagi lahaa dhibaatada weyn ee bini'aadanimo ee ka dhashay saameynta wadajirka ah ee daadadka, Ayaxa iyo saameynta ballaaran ee COVID-19.

Justin Brady, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya ayaa ka digay in guulihii siyaasadeed iyo amni ee ay Soomaaliya ka gaareen sannadihii la soo dhaafay ay qatar ugu jirto in dib loo noqdo haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin si looga hortago dhibaatada.

"Sidaa darteed, saameynta fatahaadaha, ayaxa iyo COVID-19 waxay awood uleeyihiin inay ka leexdaan qaar ka mid ah guulihii siyaasadeed iyo amni ee ay beesha caalamku maalgalisay tobankii sano ee lasoo dhaafay," ayuu yiri Brady.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 500,000 oo qof ayaa ku barokacay daadadkii ugu dambeeyay gobollada dhexe ee Soomaaliya, halka waddanku uu sidoo kale la tacaalayo Covdi19 oo halis ku ah amniga cunnada iyo nafaqada dad badan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale wax ka qabaneysa faafitaanka COVID-19 iyada oo tirada guud ee la xaqiijiyay ay gaareyso 2,089, 390 soo kabasho ah iyo 79 dhimasho ah illaa Talaadadii.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in masiibadaas ay horseedday carqalado dhaqan-dhaqaale oo ballaaran oo ku baahsan guud ahaan Soomaaliya, oo ay ka mid tahay hoos u dhaca xawaaladaha Qurba-joogta sababo la xiriira xannibaadaha COVID-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]