4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Barlamaanka Puntland oo si adag uga hor yimid go'aankii barlamaanka Soomaaliya ee matalaada Banaadir
 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dood culus ka yeeshay go’aankii uu barlamanka Soomaaliya meel mariyay ee ku saabsanaa in gobolka Banaadir uu helo 13 kursi oo aqalka sare ah.

Xildhibaanada Puntland oo mid mid uga dooday arintaan, ayaa ku tilmaamay go’aanka barlamaanka mid bohol kusii ridaya is’aaminaada iyo wax wada lahaanshaha ka dhexeeyay umadda Somaaliyeed ee kala maqnayd.

Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac ( Kuluc), oo katirsan mudanayaasha barlamaanka Puntland, ayaa sheegay matalaada Muqdisho in ay ku imaan karto iyadoo loo maro hab-raac sharci ah oo uu qeexayo cutubka 15-aad ee dastuurka kumeel gaarka ahee Soomaaliya.

“Dadku waxay ku heshiiyeen waa dastuurkaas, wixii kasoo hara waa Hal bacaad lagulisay,” ayuu ydihi xildhibaan Kuluc.  

Xidlhibaanada waxay inta badan ku baaqeen qodobka Afaraad ee dastuurka Puntland oo si cad u qeexaya inta laga helayo dastuur Soomaaliyeed oo afti shacab lagu ansixiyey inay Puntland awood dowladeed oo madax bannaan yeelaneyso.

Tiro kale oo kamid ah xildhibaanada Puntland ayaa soojeediyay in la qaato go’aan barlamaani ah oo ku saabsan in caasimadda Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Muqdisho loona wareejiyo meel kale oo heshiis lagu yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]